Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Ruushka, ayaa weerraro dhinaca cirka ah iyo gantaalo ku garaacay dhawr magaalo oo ay ku jirto caasimadda Ukraine ee Kyiv. Weerarada kala duwan ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalooyinka Ukraine oo dhan Isniintii maanta.

Laxidhiidha: Buunadada Ruushka Ku Xidha Crimea Oo La Gooyay

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen gantaallo Ruushku ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ku yaalla.

Xoojinta weerrarada oo ilaa xalay socday, ayaa noqonaya kuwo muujinaya inuu Ruushku kordhiyay dagaalka, isagoo u muuqda inuu ka cadhooday kaddib markii Biriishkii isku xidhayay Ruushka iyo Crimea la gooyay, iyadoo aannay jirin cid sheegatay.

Ilaa 80 gantaal ayaa lagu garaacay dhawr magaalo, kuwaas oo khasaare naf iyo maal geystay,  waxay noqonayaan “kordhinta dagaalka aan la aqbali karin,” sidaa waxa yidhi, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Xukuumadda Washington ayaa ku biirtay cambaaraynta baahsan ee ka dhanka ah weerarrada Ruushka uu ku hayo magaalooyinka Ukraine, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sheegay in weerarradu ay muujinayaan kuwo naxariisdaro ah, isagoo tilmaamay in dagaalka Ruushku yahay mid sharcidaro ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com