Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Xukuumadda Dalka Ruushka, ayaa xaqiijisay in dab ka kacay Biriishka weyn ee isku xidha Moscow iyo Jasiiradda Crimea ee Badda Madaw, waxayna saraakiisha Ruushku sheegeen in dabka uu sababay qarax gaadhi xamuul ah.

Biriishkaxidhiidhiya Ruushka iyo Crimea, waxa ka dhashay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed, iyadoo Saraakiisha Ruushku xaqiijiyeen in ugu yaraan saddex qof ku dhimatay qaraxa,

Qaraxan ayaa sidoo kale sababay in ay gubtaan Tareen siday 7 Booyadood oo saliid ah oo lagu waday dhinaca Crimea, sida ay wakaaladdaha wararka ee Ruushka oo xigtay guddida qaran ee la dagaalanka argagixisadu xaqiijiyeen.

Ruushka ayaa bilaabay baadhitaan la xidhiidha sababta dhalisay dabka iyo gaadhiga xamuulka ah, warka ayaa intaa ku daray in lagu guulaystay in la damiyo dabka, sida ay wakaaladda  Interfax u sheegtay waaxda gurmadka degdegga ah ee Ruushka.

Dabka ayaa sidoo kale, sababay gaadiidka Tareenada ee marayay Biriishka ay xanniban yihiin, isla markaana uu dib u dhac ku yimi tareennadana, balse saraakiisha ayaa sheegay in Sabtida ay dib  u bilaabi doonaan Tareenadu.

Dhinaca kale, dagaalka ayaa weli ka socda guddaha dalka Ukraine, waxayna sheegayaan ciidamada Ukraine in ay hormar kooban ka sameeyeen qaybo ka mid ah Afarta gobo lee Ruushku dhowaan sheegay inuu ka qaaday Aftida, halkaas oo ciidamada Ruushku dib ugu gurteen, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa laba maalmood ka hor saxeexay sharci Baarlaman oo Ruushku ku go’aamiyay inuu dalkiisa ku darsaday Afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumentiga dowladda Ruushka.

Gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia “ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan federaalka Ruushka si waafaqsan dastuurka federaalka Ruushka,” ayaa lagu yidhi dokumentiga.

Putin ayaa sidoo kale saxeexay digreeto uu si rasmi ah ugu magacaabay madaxda Moscow in ay taageeraan afartaa gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilalkaas.

Goor sii horreysay, sharciga ku darsashada ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee Baarlamanka Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa Jimcihii la tegey xaflad weyn oo ka dhacday Kremlin-ka, taas oo intii ay socotay uu afarta hoggaamiye ee Moscow ay gaysay gobolladaas uu kula saxeexday heshiis ay qayb kaga noqonayaan federaalka Ruushka, balse waxa si weyn u cambaareeyay Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol ayaa ah halbawle muhiim ah oo marin u ah  Ruushka, kuwaas oo u dhaxeeya Ruushka iyo jasiiradda ku taal Badda Madaw ee Crimea oo Moscow ay goosatay 2014.

Gobollada Crimeia, Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia Marka la isku geeyo, shanta gobol ayaa ah 20 boqolkiiba dhulka Ukraine, waxayna leeyihiin ahmiyad dhaqaale iyo mid istiraatiijiyadeed oo weyn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com