Araweelo News Network.

Waxaa qaraxyo waaweeyn oo si xig-xigay  laga maqlay caasimadda dalka Yukreeyn ee Kiyeef saaka aroortii oo ay taariikhdu tahay 10/10/2022 abbaaro 8:00 subaxnimo.

 Qaraxyadan ayaa imaanaya ka dib markii ciidanka Yukreeyn ay weerraro mafaafiic  ah la dhaceen qaybo ka mid dhulka Gobolka Kirimiya oo ay ku sugnaayeen militeriga Ruushka.

Laxidhiidha: Buunadada Ruushka Ku Xidha Crimea Oo La Gooyay

Militeriga Ruushka ayaa muuqda mid ka aargudanaya ciidamada Yukreeyn.  Sidoo kale Ruushka ayaa u muuqda mid farriin cad u diraya dowladda Yukreeyn iyo saaxiibadeeda reer Galbeedka taasi oo ah inay jawaabo militeri oo culuclus ay ka kulmi doonaan haddii ay isku dyaan inay weerraro ka fuliyaan Gobollada Ruushku ka qabsaday dalka Yukreeyn oo kala Luhnask, Donestk, Kherson, Zaporizhzhia iyo kirimiya.

Warbaahinta ree Galbeedka ayaa maalmihii u dambeeyey baahinayay warar u muuqday dacaayado (propoganda news ) oo sheegaya  in ciidmada Ruushka dib loo riixay iyagoo sheegayey in Militeruga Ruushka lagu jebiyey Dagaalka ka socda dalka Yukreeyn.

Wax walba waxaa soo afjaray weerarka dhanka cirka ah ee militeriga Ruushku ka geeystay caasimadda Dalka Yukreeyn ee Kiyeef taasi oo muujinaysa in awoodda ciidmada cirka ee Ruushku ay tahay mid aan la dhayalsan karin oo aysan u babac dhigi Karin ciidamada cirka Yukreeyn iyo xulufadooda reer Galbeedka ah.

Dagaalka Yukreeyn u muuqda mid sii daba dheeraanaya oo yeelanaya  wejiyo badan maadaama dalka Yukrayn uu noqday Garoon ay ku dagaalamaan quwadaha dunida kuwaa oo ay ka dhexeyso colaad gaamurtay oo la xidhiidha Dagaal juqraafiyadeed caalmiga (interational geo-plotics war).  Xulufada NATO ee ay ku midaysan yihiin waddamda reer galbeedku ayaa rabta in dagaalka Yukrayn lagu wiiqo militeriga Ruushka.  sidoo kale reer Galbeedka ayaa saaray Ruushka cuna Qabatayn dhaqaale  xoog badan.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah