Araweelo News Network.

 

Moscow (ANN)-Dowladda Ruushka ayaa shaacisay xog sir ah oo ah oo sheegaysa in xukuumadda Ukraine  ay

 

qorshaynayso in dalkeeda ay ku qarxiso gantaalo wasakhaysan oo sunta Nukliyeerka ka samaysan, iyadoo Ruushku sheegay in Maraykanku arrintan lug weyn ku leeyahay.

 

Lxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Burbur

Qorshaha ay wadaan Ukraine iyo Maraykanka ayaa ah inay ku eedeeyaan Ruushka iyagoo arrintaa ku buunbuunin doona saxaafadda.

Dowladda Ukarine iyo Maraykanka ayaa shirqoolkan u diyaariyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyagoo raba inay caalamka u sheegaan in Ruushku halis ku  yahay Nabadda iyo xasiloonida dadweynaha Caalamka.

 

Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Inay Isu Dhiibaan Vladimir Putin –New York Times

Hubka wasakhaysan ee dowladda Ukraine ay rabto inay ku Garaacdo deegaano waddankeeda  ka mid  ah ayaa ka Kooban shucaaca halista baddan ee Nukliyeerka, kaas oo sababa xanuuno baddan sida Kansar-ka, waana fursad Dahabi ah oo ay reer galbeedku rabaan inay dacaayad ahaan u isticmaalaan.

Lxidhiidha: Khilaafka U Dhexeeya Faransiiska iyo Jarmalka

Hase yeeshee wxa muuqata sida falanqeeyayaasha arrimahan sheegayaan in Ruushku aannu u baahnayn inuu hubka Nukliyeerka u isticmaalo Ukraine, sababtoo ah wuxuu haystaa diyaaraddaha Drones-ka iyo madaafiic casri ah oo uu ku garaaci karo goob kasta, kuwaas oo cadowga u  geysan kara khasaare laxaad leh.

 

Arrimahan ayaa u muuqda kuwo ah dacaayado ay wadaan hay’ddaha mukhaabaraadka waddamada NATO iyo reer galbeedka.

 

Dagaalka, ayaa ka dhigay dalka Ukraine waddan aan cidna lahayn oo dadkiisu ay u afduuban yihiin Maraykanka, Israa’iil iyo xulufada reer Galbeedka.  Sidaa awgeed waxa la saadaalinayaa in haddii dadka reer Ukraine ay ahaan lahaayeen kuwa Iska diida damaca reer Galbeedka oo ay Nabad iyo  deris wanaag  la qaadan  lahaayeen Ruushka, in dhibaatadaa gaadhay maanta aannay gaadheen.

 

Araweelo News Desk

Written by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama

Please share with your friends the news and information

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com