Ukraine: China Oo Ku Baaqay Xabbad-joojin Dagaalka

#Araweelo_News_Network.

 

Moscoow(ANN)-Shiinaha ayaa Jimcihii ku baaqay in xabbad-joojin laga sameeyo Ukraine, isla markaana  si deg deg ah loo bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya Kyiv iyo Moscow.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Xoojiyay Dagaalka Kaddib Booqashadii Biden

Shiinuha oo dalalka reer galbeedku ku eedaynayeen inuu la saftay Ruushka, ayaa ku baaqaya xabbad-jiijinta, isaga oo tilmaamaya Mawqifka 12-ka qodob ka kooban ee ku saabsan dagaalka Ukraine, balse qorshaha Shiinaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay jiraan eedeymo weli sii socda oo ay reer galbeedku  ku sheegayaan in Beijing ay ka fiirsaneyso inay hub siiso Ruushka.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda soo dhowaysay xabbad-jiijinta uu ku baaqay Shiinuhu, iyadoo Madaxweyne Vladimir Putin ay durba ka wadahadleen Bejing, balse Bill Browder, ayaa ku doodaya in Vladimir Putin waa Madaxweynaha Ruushka ee aannu lahayn awood uu kaga laabto dagaalkan.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ka Nixiyay Maraykanka Iyo Booqashadii Madaxweyne Biden Oo Ciqaab Ku Noqotay Ukraine

“Ruushka iyo Ukraine midkoodna diyaar uma aha inuu ka laabto, ayuu yidhi Bill Browder oo ahaa maalqabeen shirkado waaweyn oo Ruush ah sida Gazprom, Surgutneftegaz, Nidaamyada Tamarta Midaysan, iyo Sidanco., ku lahaa dalka Ruushka, balse November 13, 2005, loo diiday inuu galo Ruushka,  iyadoo loo musaafuriyay UK, kaddib markii lagu eeddeeyay inuu inuu khatar ku yahay amniga qaranka Ruushka.

Browder waa maalgeliye British ah oo u dhashay Mareykanka una ololeeya siyaasada. Xilligana waa maamulaha guud iyo aasaasaha maamulka Hermitage Capital Management, wuxuuna hore u ahaa maalgeliyaha shisheeye ee ugu weyn Ruushka.

 

Bill Browder oo wax laga weydooyay arrimaha xilligan ee Ruushka, wuxuu Barnaamij ka baxa Times Radio oo lagu,falanqeeyay arrimaha dagaalka Ukraine ku sheegay  in Putin xabsi geli doono haddii uu ciidamada kasoo saaro Ukrine,” Vladimir Putin ‘wuxuu ku dhiman doonaa xabsiga’ haddii uu amro ciidamada Ruushka inay ka baxaan Ukraine.” Ayuu yidhi, Bill Browder.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com