#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, waxayna sheegtay in Malayshiyada ku sugan halkaa ay weerar kusoo qaadeen fadhiisinka ciidanka.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in weerrarka ay soo qaadeen Malayshiyada Iyo kooxaha huwanta ee argagixisada, balse ay ciidanka Qaranka Somaliland is difaaceen.

“Ciidmada Qaranka Somaliland, iyagoo ilaalinaya xababbad-joojintii ay xukuumaddu ku baaqday , waxay ku sugan yihiin oo difaac kaga jiraan fadhiisimadooda, Masuuliyada weerarkana waxa qaadanaya kooxaha wejiyada baddan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka Iyo argagixisada ah oo gabaad ka dhiganaya dadka shacabka ah.” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Malayshiyada ayaa soo dhigay muuqaalo ay ku sheeganayeen Inay gaadiid ku qabsadeen Saldhiga, balse Sarkaal u hadlay Ciidsnka Qaranka oo xaqiijiyay n weerarka lagu soo qaaday Saldhiga Taliye Mahad Canbaashe, ayaa sheegay in ay Malayshiyada ku dholalayeeen inay weerarayaan taas oo sida uu sheegay ay maanta kusoo qaadeen.

Hase yeeshee sarkaalka ayaa sheegay in weerarkaa ay ku jabeen, isagoo yidhi, “waxay kooxaha Nabad Diidka Iyo Malayshiyada Reer Laascaanood ee ay dabada ka riixayaan ee Argagixisadu hore u sheegeen inay soo weerarayaan Qaybta 7aad ee  Taliye Sareeye guuto Mahad Canbaashe, waxayna ku jabeen weerarka sida ay horeba ugu jabeen. Ciidanka qarankuna isagoo awood u leh inuu is difaaco, wuxuna  ku jiray is difaac iyagoo fulinayay xabbad-joojintii.” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay inay Jebiyeen kuwa weerarka soo qaaday xabbad-joojintii, waxaan u aragnaa in dagaalka ay dabada ka riixayaan siyaasaddo kale, sida Al-shabaab iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ay hayaan caddaymo, balse waxa uu sheegay in aannay weli xabbad-joojintu weli u ka daadegin kuwa weerarka soo qaadaya, laakiin wuxuu si cad u sheegay sarkaalka u hadlay Ciidanka Qaranka Inay weli dhankooda Ixtiraamayaan xabbad-joojinta si wadahadal loogu dhammeeyo arrinta, Isla markaana ay ku jiraan difaac Magaaladana ay ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku hayaan.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com