#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)- Xukuumadda Washingtion ayaa xaqiijisay sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista ay kooxda Xamaas ee Falastiin afduubeen todobaadkii hore Oct, 7 2023, markii ay weerarka ku fuliyeen guddaha Israel.

Xoghayaha AAntony Bilnken ee Maraykanka, ayaa sheegay in kaddib dedaalo dheeraad ah oo uu sheegay in aannu jeclayn inuu la wadaago Bulshada lasoo daayay maanta oo Jimce ah, Oct, 20 2023,  labo muwaadin oo Maraykan ah, kuwaas oo Xamaas ay haysteen tan iyo markii ay fuliyeen weerarradooda ka dhanka ahaa Israel.

“muwaadiniinta  la sii daayay. Waxay hadda si nabad ah ugu jiraan gacanta maamulka Israel, koox ka socota safaaradda Maraykanka ayaa la kulmi doonta waqti dhow.’ Ayuu yidhi, isagoo qoraal kooban oo uu arrintaa kaga hadlayo kusoo qoray bartiisa Tiwitter.

“Waxaan si hagar la’aan ah ula shaqaynaynay la-hawlgalayaasha sidii loo sii deyn lahaa. In kasta oo aanan la wadaagi karin faahfaahinta dadaalladaas, shaqada degdegga ah ee lagu sii daayo muwaadiniinta Maraykanka iyo la haystayaasha kale ayaa sii socota,ayuu yidhi,  Antony Blinken.

sidoo kale, wuxuu sheegay innay doonayaan si ay shaqadooda  u xaqiijiyaan in ay helaan marin ammaan ah oo Qaza lagaga saaro dadka Maraykanka ah ee halkaa ku xanniban.

Waxaan u sheegay qoysaska la haystayaasha Maraykanka ee ay Xamaas haysato weli ee la afduubay  toddobaadkii hore: ay  ka shaqayn doonaa n xukuumad ahaan daqiiqad kasta, si ayuu yidhi,  “ehelkooda loogu soo celino”. Waxay hayaan ballan-qaadkaygii inaan sii wadi doono u shaqaynta sidii xubnaha qoyskoodu ay yihiin sida kuwayaga oo kele, ayuu yidhi, Blinken, isagoo ka afeeftay inuu sharaxaad ka bixiyo qaabka lagu soo daayay maxaabiista iyo in dariiqan loo marayo kuwa kale, ama waxa lagu beddeshay.

Dhinaca kale, maxaabiista lasoo daayay ayaa kala ah ah Judith Tai Raanan iyo gabadheeda Natalie Raanan oo 17 jir ah, kuwaas oo laba toddobaad kaddib xoriyadooda loo celiyay, waxayna ka mid ahaayeen 200 maxbuus oo Xamaas ka kaxaysteen guddaha Israel kaddib weerar halis ahoo 7 Oct, 2023, ay  ku qaadeen Israa’iil.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com