“Magacayaga Juwish yaan loo addeegsan in lagu xasuuqo Falastiin, Dawladda Israel waa innay joojisaa xasuuqa iyo Duqaynta Qaza” Yuhuuda Maraykanka

> US: Jews say cease fire in Gaza ” Jews Community at Capitol USA

#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Kumanaan Yuhuuda dhaladka ah ee Jewish-ka ku nool Maraykanka, ayaa isugu soo baxay Aqalka Capitol  ee Maraykanka,  markii labaad maanta, kuwaas oo ka cadhaysan xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin iyo weliba dhacdooyinkii u danbeeyay ee Qaza.

Sidoo kale, dadkan ayaa ka cadhooday jawaabta uu Madaxweyne Biden ka bixiyay  dhacdadii lagu duqeeyay Cusbitaalka Qaza ee lagu dilay dad ka baddan 500, habeenimadii Arbacada 18, Oct 2023.

Waxa sidoo kale, isu soo baxa kala qaybgalay Falastiiniyiinta ku nool Maraykanka, kuwaas oo sita Calanka Falastiin, Israel, Urdun, waxayna si badheedh ah ugu dhawaaqayeen Yuhuuda ku nool Maraykanku in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

“Magacayaga yaan loo addeegsan in lagu xasuuqo Falastiin, Dawladda Israel waa innay joojisaa xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin, Duqaynta Qaza iyo Cusbitaaladu waa wax aan la aqbali karin.” Iyo weedho kale oo soo jiitay indhaha Caalamka iyo dheggaha ayay ku dhawaaqayeen, iyagoo si weyn isugu soo baxay barxada Aqalka Cabitol.

Sidoo kale, waxay cod dheer ku dhawaaqayeen in la aqoonsado Falastiin oo ay hesho xorriyadeeda, “Falastiin waa innay heshaa xaqeeda, waa innay guryahooda ku laabtaan six or ah, waxaan u baahanahay nabad, waa in Israel joojisaa xasuuqa ay ka waddo Qaza,”ayay ku dhawaaqayeen iyagoo qaarkood ilmada xejin waayay, markaa laga sheekeeyay waxyaabaha ka dhacaya Qaza.

Laxidhiidha: US Jewish Oo Ka Cadhaysan Xasuuqa Israel Ee Falastiin Iyo Taageerada Madaxweyne Biden Oo La wareegay Aqalka Capitol

Dawladda Maraykanka ayaa ku eeddeeyeen innay taageeray xasuuqa lagu hayo Falastiin iyo go’doominta shacabka reer Falastiin, waa in ay tallaabo qaadaa dawladda Maraykanku, tallaabo degdeg ah, baaqayaga aan halkan ka jeedinaynaa waa mid aan hore u dhicin oo taariikhi ah, xukuumadda Israel waa in lagula xisaabtamaa xasuuqa ay ka wado Qaza.’  Ayay cod dheer oo qaylo ah ku sheegayeen.

Yuhuudda Maraykanka ku nool ayaa sidan oo kale ugu baaqay xabad joojin deg deg ah, kaddib markii ay guddaha u galeen Aqalka Capitol Arbacadii toddobaadkan, waxayna Boolisku qabteen qaar ka mid ah dadka oo guddaha dhismaha galay, iyadoo ay xaalladdu noqotay mid adag, isla markaana ay sababtay in Xukuumadda Madaxweyne Biden dareento caddaadiska ka jira guddaha iyo cadhada aan la qarain karin ee ka dhalatay Xasuuqa Israel ee Falastiin iyo taageerada uu Madaxweyne u muujiyay oo sii kordhisay cadhada.

Dhinaca kale, waxa jira siyaasiyiin ka tirsan labada Xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo si weyn u dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel ee xasuuqa Qaza, kuwaas oo ku baaqay in dhaqaallaha Maraykanku siiyo Israel aannay ahayn in shacabka Falastiin lagu xasuuqo, sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Biden inta uu ku gudda jiro booqashadiisa Bariga dhexe inuu Israel culays ku saaro innay joojiso go’doominta Qaza iyo duqaynta aan loo meel deyin oo ah mid ay ka dhalatay xaallad argagax leh.

Dibadbaxyada lagu diidanyahay Israel duqaymaha iyo go’doominta Qaza ayaa ka dhacay dalal baddan oo dunnida ah, kuwaas oo ay ka mid Yihiin Britain, Gerneny, Farance, Jordan, Tunisia, Yemen, Iran, Iraq, Turkey, Pakistan, Indonisia, India, Afghanistan iyo meelo kale, isla markaana hoggaamiyayaasha dalal baddan oo dunida ah ayaa si weyn u canbaareeyay falalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza iyo dhulka Falastiin ee ay xoogga ku haysato.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com