#Araweelo_News_Network.

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Washington(ANN)- Markabka Maraykanka ee  USS Carney, oo ka mid ah maraakiibta hagista gantaallaha ee ciidamada Badda Maraykanka ee ku sugan Waqooyiga Badda Cas, ayaa Khamiistii soo riday gantaallo baddan iyo Diyaaraddo nooca aan duuliyaha lahayn oo kusii jeeday dhanka Israel.

Pentagon ayaa sheegay in Gantaallaha iyo Diyaaraddaha ay ku jihaysnaayeen dhanka Israel, isla markaana waxay ku tilmaameen in ay ka yimaadeen dhanka Yemen oo ay dul marayeen Biyaha Badda Cas, waxayna ku eeddeyeen Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto, kuwaas oo sida Pentagon sheegay inay ku wajahnaayeen bartilmaameedyo Israel ah.

 

Waa markii ugu horeysay ee muddooyinkan dambe Markabka ciidamada Badda Maraykanka ee ku sugan Bariga dhexe uu sheego in gantaalo iyo diyaarado aan si toos ah loola beegsan markabka ay sheegeen in ay qabteen ka hor intii aannay gaadhin bartilmaameedka lala doonayay.

 

Markabka Maraykanka, ayaa halkaa u jooga si uu u difaaco Israa’iil xiisadda hadda taagan, iyadoo Maraykanka iyo dalal kale oo si toos ah ula saftay duqaymaha Israel iyo go’doominta ay ka wado Qaza, balse waxay doonayaan innay isu muujiyaan kuwa doonaya innay xakameeyaan khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

suurtogalnimada in kooxda Xuutiyihiintu gantaallo iyo diyaaraddo drones ah oo lala beegsado si toos ah Israel marka la joogo Yemen, ayaa si weyn u dhalisay su’aalo, iyadoo Yemen iyo Israel, ay isu jiraan qiyaastii 2, 209KM, Yemen oo ku taal cidhifka Koonfur ee Badda Cas iyo Israel oo halka ugu dhow Badda Cas ay tahay Farta Aqaba oo ku taal cidhifka Waqooyi Bari ee Badda Cas, isla markaana ku taal Galbeedka Asia ee Badda Mediterranean Sea.

In kasta oo aannu Maraykanku soo bandhigin caddaymo muujinaya arrintan, waxa hubaal ah in Xuutiyiinta oo gacanta ku haya Waqooyiga Yemen ay duqayn karaan meelo aad u durugsan oo ay haystaan gantaallo gaadhi kara masaafo durugsan iyo Diyaaraddo Drones ah oo khatar ah, sida la oggaaday dagaalka ay kula jireen tan iyo sanadkii 2015, Xullafadda uu Sacuudiga hogaamiyo, iyagoo Gantaallo ku garaacay marar baddan meel fog oo Sacuudiga iyo Imaaraadka, sidoo kale marar baddan addeegsaday diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn oo wax duqeeya, isla markaana wax basaasa.

 

 

Markabka ayaa sida uu sheegay Pentagon ku sugnaa Waqooyiga Badda Cas fiidnimadii Khamiista waqtiga maxaliga ah,wuxuuna  qabtay seddex gantaal oo kuwa dhulka ah iyo dhowr diyaaradood,sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Brig. Gen. Pat Ryder, oo ka hadlay shir jaraa’id.

Sidoo kale, ABC News oo ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn Maraykanka, oo soo xiganaysa Saraakiil Maraykan ah, ayaa sheegtay in Diyaaradda Carney ay dhulka soo dhigtay 8 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiinta ay soo rideen.

 

Qiimaynta hordhaca ah ee Maraykanku waxa ay ahayd in USS Carney aanu ahayn bartilmaameedka mid ka mid ah gantaallada Xuutiyiinta ama diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegeen saraakiil baddan oo Maraykan ah.

 

“Ma aha wax aan si dhab ah u sheegi karno waxa ay gantaalladan iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah la beegsanayeen, balse waxay kasoo duuleen Yemen, waxayan ku jihaysnaayeen Woqooyiga dhinaca Badda Cas, si ay u beegsadaan Israa’iil,” ayuu yidhi Ryder oo intaas ku daray in xogta ku saabsan hawl-galkaas ay weli socoto.

 

Ma cadda halka laga soo tuuray gantaallada maleeshiyada Xuuthiyiinta balse waxay u socdeen jihada Waqooyi, waxayna u muuqataa in gantaallada la qabtay Khamiistii aan lala beegsanayn bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Sucuudiga, ayuu raaciyay hadalkiisa.

 

 

Toddobaadkii hore, Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, AbdulMalek Al-Houthi ayaa laga soo xigtay in haddii Maraykanku uu si toos ah u soo farageliyo colaadda Qaza ay kooxdiisu kaga jawaabi doonto inay ridaan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, ayna qaadan doonaan doorashooyin kale oo Millateri.

 

Sarkaalka Maraykanka oo ka hadlaya arrinta Qaza, ayaa yidhi, “Waxaa jira khadadka cas marka ay timaado Qaza.”

 

Dhacdada ayaa dhacday Khamiistii, xilli fiidnimadii hore ah (waqtiga maxalliga ah) markii gantaallada iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn la arkay iyagoo u sii socda dhanka Waqooyi oo ka sarreeya Biyaha Badda Cas, sida uu sheegay Maraykanku, waxayna sheegeen in loo adeegsaday si loo soo rido gantaallada SM2 oo saaran markabka USS Carney, sida uu sarkaal Maraykan ah u sheegay ABC News, laakiin ma jirto wax war ah oo laga soo saaray hubkii saarnaa diyaaradda Carney oo soo riday 8 diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn.

 

Brig. Gen. Ryder ayaa u sheegay warfidiyeenka in is-hortaagga Diyaaraddaha iyo Gantaallaha ay kusoo dhaceen Biyaha Badda Cas oo aannay ahayn kuwo dhulka ku dhacay, sidaa awgeed ayuu yidhi, “Ma jiraan wax badmaax ah oo la socday Markabka oo waxyeelo soo gaadhay.”

 

Maraykanka ayaa kordhiyay joogitaankiisa Millateri ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Xamaas ku dhawaad labo todobaad ka hor.

Yemen iyo Israel, waxay isu jiraan qiyaastii 2, 209KM, Israel ayaa dhacda Galbeedka Asia ee Badda Mediterranean Sea, waxayna Aqaba oo Urdun ah, isla markaana ku taal cidhifka Waqooyi Bari ee Badda Cas, aad ugu dhowdahay Xeebta Nuweiba oo ku taal dhammaadka Aqaba ee Badda Cas, wallow ay jirto xuduud u dhaxaysa, Xeebta Nuweiba  ayaa Aqaba u jirta qiyaastii 64 km, iyadoo dhanka Koonfur ka xigta Eilat oo Israel ah, taas oo ah magaalo ay Israel u tagaan temeshle.

In kasta oo Xuutiyiintu hore u sheegeen in ay qorshaynayaan Gantaallo gaadhi kara qaar ilaa qaaraad, isla markaana la arakay intii uu socday dagaalka ay kula jireen xullufadda Sacuudiga dedaalkooda dhanka Hubka iyo Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo xeelladdaha dagaalka ee sareeya, balse waxa weli jira su’aalo laga sugayo Maraykanka oo la xidhiidha arrintan oo haddii sheegashada Maraykanku rumawdo si weyn cabsi ugu ridaysa Israel iyo xullufadda Maraykanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com