Sana’a Yemen (ANN)- Dagaalyahanka Xuutiyiinta ayaa shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku garaacay markab shidaal qaada oo Shiinuhu leeyahay, sida uu ku dhawaaqay taliska dhexe ee Maraykanka Sabtidii.

Mid ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay MV Huang Pu, kaas oo uu ka babanayay calanka Panama, sida lagu sheegay warka laga sii daayay  taliska dhexe ee Maraykanka. Markabku ayaa intaa ku diray qaylo-dhaan, laakiin waxa lagu xusay in aannu  codsan gargaar, waxaana Markabka soo gaadhay burbur aad u yar waxaana uu damiyay dab yar oo ka kacay. dushiisa, sida lagu xusay warbixintaa oo Taliska Maraykanka ay kasoo xiggatay warbaahinta USI News.

Warbiixnta ayaa ku sheegtay Warsaxaafadeed ay soo xiggatay in aannay jirin  wax khasaare ah oo ka dhashay, duqaynta Xuutiyiinta ee Markabka Shiinaha oo ay leedahay  shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Xuutiyiinta ayaa horay u sheegay in ay weerari doonin maraakiibta Shiinaha. Waxaa suurtogal ah innay ahayd kiis macluumaad hore ah, sida laga soo xigtay South China Morning Post oo sheegtay in mulkiilaha markabka ee diiwaangashan uu isbeddelay Febeury 2024.

Xuutiyiinta, oo afhayeenadoodu ay inta baddan ku dhawaaqaan weerarrada maraakiibta oo ay ku shaaciyaan baraha bulshada ee X, ayaan waxba ka sheegin weerarka Huang Pu.

Dhankeed Dowladda Shiinaha ayaan wax hadal ah ka soo saarin weerarka., laakiin USS Carney (DDG-64), iyo ciidamada kale ee Taliska Dhexe, ayaa sidoo kale dabagal ku sameeyay lix diyaaradood oo Xuutiyiinta ah oo dul heehaabayay Badda Cas. Lixdadaa ayay sheegeen in shan ka mid ah ay ku dhaceen Badda Cas, halka mid ka mid ah ay u duushay gudaha dalka Yemen.

Tan iyo 17-kii Oct, 2023,  xoogagga Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsaday maraakiibta Israa’iil si ay u garab istaagaan Xamaas ee Qaza. waxay balaadhiyeen weerarada oo ay kusoo daraan Maraykanka, U.K iyo maraakiib kale oo ganacsi kaddib markii ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo noqotay dhibaato weyn oo caalami ah.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com