#Araweelo_News_Network.

London(ANN)-Guddoomiye ku xigeenka Gollaha Wakiilladda Somaliland, Cali Xaamud Jibriil oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Mudanayaasha Wakiillada ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda xilligan ee Somaliland, isagoo sidoo kale sawiray muuqaalka ay doonayaan inuu yeesho Madaxweynaha Qaranka iyo qaabka ay doonayaan innay u ekaato Madaxtooyaddu.

 

Guddoomiye Cali Xaamud oo socdaal ku jooga dalka Britain, wuxuu munaasibad ay hareera joogaan qaar ka mid ah Muddanayaasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo, isla markaana ay kasoo xaadireen in baddan oo ka mid ah Quraga jooga Somaliland ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo baddan oo khuseeya xaaladda dalka.

“Waxaad maqlayseen Onkodkii Doorashada oo ina haya, Onkodkii Roobkuna wuu ian hayaa” ayuu yidhi, isagoo ugu bushaareeyay quraba jooga munaasibada kasoo xaadiray in wixii hadda ka danbeeya la gelayo doorashooyinka murranka baddan iyo jiitanku ku yimi ee ay dhowaan meel mariyeen xeerarkii khilaafka baddab ka dhashay ee dhawrka jeer laysku soo cel-celiyay.

Sidoo kale, Guddoomiye Cali Xaamud wuxuu ka hadlay mawqufka Mucaaradka ee Lascaanood, isagoo dhinaca kale tilmaamay doorka looga baahanyahay qurba jooga mara la gaadho doorashada.

Muuqaalkan ka Daawo Wax baddan

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com