Telesom dahabshiil
mubarak tanzil

Category: Warar

Total 6817 Posts

Somaliland: Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digtay Wadaado Warbaahinta Iska Weerraray

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay Culimada qaarkood oo baraha bulshada khilaafkooda laga dareemay, kuwaas oo maalmahan jawaabo dhaleecayn ah isu marinayay baraha bulshadu ku wada xidhiidho. Qoraal kooban oo maanta ka soo baxay Wasaaradda

Somaliland: Kulankii Golaha Wasiiradda Maxaa Lagu Ansixiyay

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu meelmariyay dood dheer kadib xeerar kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyay. Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News

Haweenay U Dhaqdhaqaaqi Jirtay Xuquuqda Aadamaha Oo Lagu Dilay Villa Somalia

Muqdisho(ANN)-Haweenay u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda Aadamaha, isla markaana hore u ahayd Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Almaas Elman Cali ayaa lagu khaarajiyay oo Xerada Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane, oo ku taalla Magaalada Muqdisho. Sida ay

Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Saraakiil Loo Carbinayo Ciidan

Darar-weyne(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta deegaanka Darar-weyne  ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Somaliland: Joogitaanka Alshabaab Ee Bariga Sanaag Waa Sidee?

Warbixin by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland Yube-Badhan(ANN)-Saacadihii lasoo dhaafay waxa soo baxayay in koox ka mida dagaalyahanka Alshabaab ay soo galeen degaanka Bariga Sanaag ee lagu magcaabo Gacan Maroodi ee Buuralayda Silsilada

Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Dhexdhexaadin Laga Bilaabay Xiisada Xukuumadda Iyo WADDANI

Hargeysa(ANN)-Guddi iskood isugu xil-saaray sidii loo damin lahaa xiisada ka taagan muranka Komishanka doorashooyinka ee dhowaan golaha wakiilladu ansixiyay, kuwaas oo xubinta xisbiga WADDANI, laga sugayay weli dhankooda ku maqanyahay. Khilaafka arrintan, ayaa sababay in xisbiga WADDANI, ku baaqo isu

Somaliland: Golaha Wakiillada Oo La Geeyay Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa golaha wakiillada Somaliland u gudbisay Odoroska mala-awaalka miisaaniyad sannadeedka 2020. Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ay weheliyaan saraakiisha wasaaradda, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyay miisaaniyadaa oo

Tog-dheer: Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha Oo Lagu Wareejiyay Agab Kala Duwan

Burco(ANN)-Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa agab loogu talagalay Ciidanka Dab-damiska ee GobolkaTogdheer ku wareejiyay Maamulka Gobolkaa. Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta Ciidanka Dab-demiska

SONSAF Oo Canbaaraysay Xadhiga, Saraakiisha WADDANI, Xarunta Telefishanka Horn Cable Iyo Isu Soo Baxyada

“Xadhigu maaha xal, waanuna ka hawlgelaynaa daminta xiisada iyo muranka”Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Hargeysa(ANN)-Dallada SONSAF, ee midaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn, ayaa canbaaraysay xadhiga Af-hayeenkii iyo Xoghayihii xisbiga WADDANI, kuwaas oo xukuumaddu xalay xabsiga dhigtay. Sidoo kale

Taliyaha Booliska Oo Ku Hanjabay In Ay Safaynayaan Isu Soo Baxyada WADDANI

“Askariga la toogtay iyo Mid dhagax lagu dilayba waxa ka masuul ah guddoomiyaha WADDANI” Taliye Dabagale. Hargeysa(ANN)-Taliyaha Booliska Somaliland, Sareeye guuto, Maxamed Sanqadhi oo warbaahinta la hadlay goor dhowayd, ayaa sheegay in wixii ay ka digayeen ay dhaceen, wuxuuna sheegay