Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Wed, Nov 20th, 2019

Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Saraakiil Loo Carbinayo Ciidan

Share This
Tags

Darar-weyne(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta deegaanka Darar-weyne  ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Darar-weyne ka furay Layliga Saraakiisha Ciidan 20 Nov 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Darar-weyne ka furay Layliga Saraakiisha Ciidan 20 Nov 2019.

Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday kulliyadda tabobarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, waxana laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan oo qaybo ka mid ahi yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamujka shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Darar-weyne ka furay Layliga Saraakiisha Ciidan 20 Nov 2019. Hablo ka mid ah saraakiisha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo deegaanka Darar-weyne ka furay Layliga Saraakiisha Ciidan 20 Nov 2019. Hablo ka mid ah saraakiisha

Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca Tabobarrada u qaabilsan ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tabobarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in dalka laga hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba  qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar.

Taliyaha ciidamada militeriga Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamujka Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen.

Taliyuhu waxa uu nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isaguna dhankiisa guul qaranku gaadhay ku tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo jaamiciyiin ahi kusoo biireen ciidamada kala duwan ee qaranka, islamarkaana dalkooda gudihiisa loogu carbinayo Sarkaalnimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku sameeyey goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee loo diyaariyey saraakiisha dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo xarun loo dhisay dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla.

Wa bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp