Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay Culimada qaarkood oo baraha bulshada khilaafkooda laga dareemay, kuwaas oo maalmahan jawaabo dhaleecayn ah isu marinayay baraha bulshadu ku wada xidhiidho.
Qoraal kooban oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekadda Araweelo News Ntwor, ayaa u dhignaa sidan:-

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).

Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto.

Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.