Burco(ANN)-Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa agab loogu talagalay Ciidanka Dab-damiska ee GobolkaTogdheer ku wareejiyay Maamulka Gobolkaa.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in qalabkaa oo ahaa nooca lagula tacaalo khatarta iyo masiibooyinka Dabka noocyadiisa kala duwan oo ay weheliyay Qalab Isgaadhsiineed, wuxuuna dhammaan agabkaa oo aan tiradooda la sheegin Taliye Sawaaxili ku wareejiyay oo ka guddoomay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, kaas oo si toos ah ugu wareejiyay Ciidanka Dab-demiska Gobolka, waxaana munaasibada lagu wareejiyay goob joog ka ahaa Duqa Degmada Burco iyo saraakiil kale.

Akhri: Somaliland Oo Heeggan Buuxa La Geliyay Ciidanka Dabka Iyo Khataraha Kale Ka Badbaadiya Bulshada

Masuuliyiinta ayaa dhamaantood xaqiijiyay muhiimada Qalabkani u leeyahay horu-socodka iyo habsamida shaqada ciidanka Dab-damiska ee Gobolka Togdheer. Sidoo kale waxay masuuliyiinta gobolku ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan wadashaqaynta ay la leeyihiin Ciidanka Dab-demiska, ayaa lagu yidhi qoraalka.