Xadhigu maaha xal, waanuna ka hawlgelaynaa daminta xiisada iyo muranka”Guddoomiyaha SONSAF, Anwar


Hargeysa(ANN)-Dallada SONSAF, ee midaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn, ayaa canbaaraysay xadhiga Af-hayeenkii iyo Xoghayihii xisbiga WADDANI, kuwaas oo xukuumaddu xalay xabsiga dhigtay.


Sidoo kale waxay ka Dallada SONSAF, ka hadashay xadhiga xaruntii Telefishanka Horn cable ee Magaalada Hargeysa iyo muranka ka taagan xubnaha Komishanka ee la ansixiyay oo sababay isu soo baxyada Xisbiga mucaaradka ee WADDANI.


Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Abdirahman Warsame oo ka hadlaya arrimahaa, ayaa sheegay in arrinta muranka ugu weyni ka taaganyahay ay ahayd arrimihii doorashooyinka iyo xubnaha Komishanka ee cusub, kuwaas oo uu xusay inay muddo laba sannadood ah murankoodu soo taagnaa, isla markaana ay kusoo geba-gebawday in la magcaabo komishan cusub, balse ay axsaabtu isku af-garanwaayeen.


“Ururada Bulshada hadaanu nahay aad ayaan uga xunahay, waana kasoo horjeednaa in rabshado noocaas ah ay ka dhacaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa, waanuna aad uga xunahay arrimaha isa soo taraya ee muddooyinkii u danbeeyay axsaabta qaranku isku mari waayeen oo noqotay midi midi ku taag.” ayuu yidhi, guddoomiye Anwar.


Sidoo kale, wuxuu sheegay inay aad uga xunyihiin oo ay canbaaraynayaan xadhiga masuuliyiinta WADDANI, isagoo yidhi, “waxaan aad uga soo horjeednaa xadhiga masuuliyiinta WADDANI, waxaanu u aragnaa xadhigu in aanu ahayn xal, sababtoo ah waxa ka sokeeya waxyaabo badan, wada hadal iyo isu tanaasul, halkii taas laga samayn lahaa in la xidh-xidho masuuliyiinta axsaabta, waa arrin dhaawac u geysankarta geedi socodkii dumuqraadiyada. xukuumaddana waxaan ugu baaqaynaa in arrintaa xal kale looga wareego oo miiska wada hadalka laysugu yimaado si looga wada hadlo wixii khilaaf ah ee aan sharciga dhaafsanayn.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan.


Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiyaha SONSAF, arrinta mudaharaadyada, wuxuuna sheegay inay waajib tahay in mudaharaadyada lagu wargeliyo hay’addaha amniga ee ay khusayso, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay xaq ahayn in xukuumaddu diido dareenka shacabka ama axsaabtu inay muujiyaan dareenkooda, taas oo uu sheegay inuu damaanad qaaday dastuurka Somaliland oo u fasaxaya muwaadiniinta inay ka hadlaan, ama cabiraan dareenkooda.


Guddoomiye Anwar, ayaa sidoo kale canbaareeyay xadhiga xaruntii Telefiishanka Horn cable oo Ciidmada Boolisku maanta albaabada u laabeen, wuxuuna ku cel-celiyay in aanu xadhigu xal noqonayn.

Read: Somaliland : Position Paper on upcoming elections and avoiding any disputes that will cause further delays to the elections

“Somaliland intii ay jirtay waxay wax badan kusoo dhaaftay isu tanasul, waxaana badan inta sharci wax lagu xaliyo iyo inta isu tanaasul wax lagu xaliyo inta tanaasulka lagu xaliyay arrimo badan, waana in wixii jira si nabad ah loo dhammeeyo, waana ka xunahay arrintaa” ayuu yidhi. Mr. Anwar.

Read: Sonsaf meets with Somaliland Speaker of House of representatives

Guddoomiye Anwar, wuxuu sheegay inay ilaa hada gacanta ku hayaan dhaq-dhaqaaq la doonayo in xal loogu helo arrimahaa, isagoo xusay in aqoonyahanka iyo waxgaradku kala shaqaynayaan si loo damiyo arrintaa oo ay madaxweynaha iyo dhinacyada kale ee axsaabta kala hadlayaan, taas oo ay dedaalkeeda SONSAF ahaan ku jiraan oo ay durba bilaabeen.

Akhri: Somaliland: Dallada Ururada Aan Dawliga Ahayn Oo La Kulmay Guddoomiyaha Wakiilada