Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Hannaanka Garsoorka Ee Dib-u-eegis loogu samayn karo Dastuurnimada Xeerarka

Waxay Maxkamadi sideedaba go’aan kasoo saartaa waa Dacwad.

By Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi (Bacaluul)

Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul ama dastuuri ah) waxa dacwadnimadeeda sal u ah inay lahaato  shuruudahan hoos ku xusan;
  1.    Laba dhinac; dacwoode iyo dacweysane, eed-ooge iyo eedaysane, rafcaanle iyo rafcaansane, loofuliye iyo lagu-fuliye. iwm  
  2. Waa inuu jiraa Mawduuc ama Xaqiiqo la isku hayo (Point of issue); mawduucaasi oo ah mid sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan laga garnaqi-karo (Justiciability) oo la fahmi karo nidaamku lagu xaqiijin karo su’aashaasi jawaabteeda, isla markaana la garan karo waxa ay dhinacyadu kala doonayaan.
  3.  Dhegeysi dhinac saddexaad oo ka madax-bannaan dhinacyada is-haya iyo mawduuca la isku hayo, dhegeysigaasi oo ay shardi u tahay inuu Ka dhaco madal u furan dadweynaha iyo saxaafadda si loo arko in fursado isleeg siiyay dhinacyadii is hayay iyo inkale 
  4. Go’aan ka dambeeya isku-dhegeysiga dhinacyada is haya, go’aankaasi oo sababaynaya jawaabtiisa, isla markaana faah-faahinayo sida loo miisaamay labada doodood iyo caddaymahooga.    
Hadaba marka aynu isla saxno Nidaamka Loo maray Go’aanka la sheegayo in lagu laalay XeerkA 24/2020, ayaynu u guda gali karnaa Asbaabta ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u cuskatay go’aankeeda. Hadaba si aad uga jawaabto bal inay jirtay dacwad dastuuriya iyo inkale waxaad is weydiisaa saddexdaasi qodob ee sare ku xusan in ay Maxkamaddu Buuxisay si ay usoo saarto Go’aan Dastuuriya. Ma jireen dhinacyo dhab oo ka ashkatooday? Haddayse jireen ma sheegi kartaa labada dhinac ee ay u garnaqday Maxkamaddu? Marka taas la xaqiijiyo ayaa la isweydiin karaa bal inuu jiro wax cad oo la isku hayaa iyo inkale.
Kasoo gudub. Ma jiro dhinacyo dacwadeed, dood dacwadeed. Waayo dhinacyada dacwadda Dastuuriya soo gudbisan kara, waa dhinac uu xaq Dastuuriya oo uu lahaa uu saameeyay Qodob sharci oo ku soo baxay Xeer, amaba uu saameeyay Go’aan Maamu/Garsoor.
Maxaa la yeelayaa haddii Xeer Baarlamaan loo arko inuu ku Xadgudbay Awoodihii Dastuuriga ahaa ee Waaxda Garsoorka
 
Ma Garsoorka ayaa iskood  Xeerka iskugu fasiraya oo laalaya midkasta oo ay u arkaan in uu Lidku ku yahay Awoodahooda, misa jid kale ayaa loo marayaa?
 
Intaa aan la gudo galin Su’aasha ku saabsan Dastuurnimada xeer, waxa haboon in la isla fahmo hannaanka iyo qaabka ay Su’aashaasi ku noqonayso Su’aal Garsooreed (Judicial Question). Marka aan leeyahay Su’aal Garsooreed waxan uga jeedaa sida arrintaasi loogu aqoonsan karo arrin Garsoor oo u baahan Garnaq iyo Go’aan Sharciyeed oo lagu furdaamiyo. Waayo Maxkamadda Dastuuriga ah ma aha shaqadeedu in ay Xeerkasta oo dhaqangala ay akhrido, si ay u hubiso Dastuurnimadiisa. Lagama a filayo in ay samayso dedaal iskeed oo ay isku dirto si ay u ilaaliso Dastuurnimada Xeerarka oo soo baxa. Sidaa darteed waa in ay jirtaa cid kale oo maxkamadda ku baraarujisa mushkiladdaasi. Waana halka ay ka curanayso Su’aasha Garsoor. 

Su’aasha Koowaad;  
waxay imanaysaa haddii uu xeerkii uu ka horyimaaddo awooddii Garsooridda ee Maxkamada? Tusaale ahaan haddii  xeerku ka maanacayo maxkamadda inay Qabato dacwad X, Ama dhegeysato arrin ka dhacday goobta Y, amaba  Xeer mamnuucaya in aan laga cabto  go’aannada M,  iwm  
Su’aashaasi Koowaad hadday timaaddo. Ma aha inay Maxkamaddu durbadiiba isku aragto Dhibane lagu xad-gudbay Awoodaheedii Dastuuriga. Isla markaana ay falcelin ahaan ay bilowdo tallaabooyin ay ku laalayso xeerkaasi. Balse Waa in ay sugtaa inta ay hor imanayso doodda xeerkaasi, oo uu Qof muwaadin ahi uu kasoo codsanayo dib-u-eegista Dastuurnimada Xeerkaasi. Tusaale ahaan iyada oo qofku ka furanaya dacwad Maxkamada Dastuuriga ah uu ku doodayo ‘Xaqa ah inuu helo Garsoor dhex-dhexaada’ kaasi oo uu ku durayo Xeerkan uu arko inuu caqabad ku yahay xaqiisaasi Dastuuriga ah.
Waxa uu dacwoodahaasi ku baraarujinayaa (taking full cognizance) Maxkamadda waajibkeedii Dastuuriga ah ee ‘bixinta adeegga Garsoor‘. Sidaas baanay Maxkamadu iyada oo ayidaysa xaqaasi dastuuriga ah ay ku laali kartaa Xeerka (qodobada gaarka u taabanaya xaqa), iyadoo ku sababanaysa inuu lid ku yahay Xaqaasi Dastuuriga ah, iyo waajibkii dastuuriga ahaa ee Garsoor ahaan ka saarna fulinta xaqaasi.
 Su’aasha Labaad
Haddii aanu Xeerku ka hor iman Awooddii Garsooridda ee Maxkamadda, Balse uu u nidaamiyo hannaanka iyo heerarka ay maxkamaddu u gudanayso Waajibaadkeegii Garsoorridda, Maxkamaddu ma diidi kartaa Nidaamintaasi?

Hadduu se xeerku yahay mid uu Baarlamaanku ku Nidaaminayo Qaabdhismeedka Maxkamadda iyo Sida ay fulinayso hawlaheeda Garsoor, lama odhan karo Waxa la farogaliyay Arrimihii Garsoorka. Waayo dhammaan Xeerarka qeexa habka Garsooriddu (Procedural Laws) waa xeerar Baarlamaan. Dastuurku waxa uu dajiyaa mabadi’da guud ee Garsooridda iyo xuquuqaha ka dhalanaya, balse ma faaf-faahiyo tallaabo kasta oo la mari doono dacwad-oogista, dhegeysiga.qiimaynta caddaymaha, go’aan-gaadhista iwm. Waxaana shardi ah inuu Xeerkasta oo lagu nidaaminayo hawlaha Garsoor aanu caqabad ku noqon Madaxbannaanidii uu Garsooruhu ku Garsooreyay.
Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Guddoomiyayaashooduna kuma diidi karaan Xeernimada uu Xeer leeyahay, sababtoo ah wuxu xadidday awood/maamuus xileed oo ay ka naaloon jireen. Waxay se Awooddaasi/Maamuuskaasi laga maanacay ay dib-ugu heli karaan Fasiraad Garsoor, marka ay saamanayso xaq uu laha muwaadinku. Xaqaasi oo ku xidhan marka uu muwaadinkaasi dacwad ka furto.
 
Maxkamadu Xeer Ama Qodobo Xeer oo Wax-kabadal Lagu Laalay Dib Xeer ma uga dhigi kartaa? Ma leedahay awoodda go’aaminta Waxa Xeer noqon doona?
Maxkamadda Dastuuriga ahi awood u malaha in ay Xeer-dajiso. Marka aynu ogsoonahay in Xeerkii hore Nidaamka Garsoor Xeer lr 24/2003 uu laalay xeerkqeybo kamida wax-kabadalkii dambe, iyo kaabistii dambe ee Xeerka lagu sameeyay saanadkan 2020. Maxkamaduu waxay wada laashay xeerkii oo dhan, intiisii hore, intii wax laga badalay iyo intii lagu darayba. Markaa Maxkamadu ma leedahay in ay tidhaahdo kaas kalaa xeer ii noqonaya tusaale ahaan xeer lr 24/2003. Su’aashu waxa weeyi horta Xeer la yidhaahdo Xeer lr 24/2003 ma jiraa saacadda ay sidan leedahay?
Waxa nidaamka xeerdajintu dhigayaa in ay qodoban dambe ee Waxkabadlka iyo kaabista ah ee dhaqangalay ay mar horeba laaleen wajigiisi ama Versionki hore. Markaa Maxkamaddu dib ma u samaysan/noolayn kartaa xeer laga soo guuray oo sidaa kaga baxaya diiwaanka xeerarka dalka? Dastuurku ma siiyay Maxkamaddu awoodda go’aaminta xeerka uu dalku yeelan doono?  Waa maya hadday xataa haddii awoodda laalista qalad iyo sax siday doontaba ha ulaashee, ma laha awoodda ay ku odhanayso xeerka aan laalay waxaan idiinku badalay xeerka noocan ah, ama kii hore ayaan soo celiyay. Taas macnaheedu waxa weeyi Maxkamaddii doodaysa inay buuxinayso halkii bannaanaata ee xeer u baahan (legal gapkii). Doorkaasi ay ku doodaysaana waa kii xeerdajinta.
Ma furan karaan Maxkamaduhu Dacwado ay dhinac ka yihiin?
Maxkamaduhu sida hay’adaha kale ma aha kuwa iyagu muran dacwadeed bilaaba oo ilaashada awoodo iyo dano hay’adeed. Balse waxay ka jawaabaan (responsive) cabasho ama eedaha uu usoosoo gudbisto dhinac labaad. Sababaha ugu muhiimsan ee ay noqdeen ‘Jawaab-bixiyayaal”  ee aanay u ahayn “dood curiyayaal”waa saddexdan arrimood;
  1. Maxkamaddu waa meel dhex-dhexaad ah (Politically non-partisan) oo aan la rabin inay hay’ad ama shaqsiyaad gaar ah ay la tirsato ama ay isbartilmaameedsadaan. Waayo haddii ay soo baxdo in ay is hayaan cid gaar ah waxay luminaysaa milgihii Garsoornimo iyo dhex-dhexaadnimadii laga filan lahaa, Mar haddii ay loollan awoodeed a qeyb ka noqotana waxay soo dhexgalaysaa Garoonkii iyo Ciyaarihii ay ka Garsooreysay. 
  2. Sidoo kale Garsoor ahaan Maxkamaduhu waa isku hal qof (entity) ama Waax Qudha (One Branch) oo waxay hoos yimaaddaan hal Guddoomiye Guud. Markaa haddii la keeno caqliyadda ah inay Maxkamadi  kiis furan karto,  halka ay ka furanaysaa waxay noqonaysaa uun isla Waaxdeedii Garsoorka. Taasina waxay u ekaanaysaa in ay Maxkamadihii ay qaadayaan kiis ay isla iyagii dhinac ka yihiin. Mar haddii aydaan isla tagayn Garsoor dalkale oo  si madaxbannaan idinku garnaqa. Waxaanay isku-garqaadistaasi ay maxkamada ay isku garqaadayaan ay ka hor imanaysaa mid kamida mabadi’da Caddaaladda ee ay adduunyadu isla aqoonsantahay. Mabda’aasi oo ah ‘In aan Qofna Kiis uu dhinac ka yahay aanu ka garnaqi karin’. Maxkamadda Dastuuriga hadaba  dhegeysiga ay sheegtay ee ay ku tidhi waxaan ku dhagaysatay maxkamadihii kale ayaa gabi ahaanba xadgudub ah Qodobada Dastuurka ee Qeexaya Awooda Garsooridda ee Maxkamadahaha eeg  97.1 iyo 98.2.t.
  3.  Awooddan ay maxkamadu isku siisay inay ku laali karto xeer qaran oo dhaqangal ah, kaasi oo aan la la mrin hannaankii Garssoornimada ee  daahafurna ee lagu yaqaanay Maxkamadaha, waxay ka hor imanaysaa Mabada’ii Dastuuriga ahaa ee (Kala Soocnaanta Awoodaha) loogu talogalay in ay Saddexda  awoodood ee Qaranku ku wada shaqeeyaan. Mabada’aasi  oo dhigaya nidaamka is-dheellitirka iyo is-xisaabinta awoodaha (Checks and Balances). In ay Maxkamadduhu waxay doonaanna xeer ka dhigtaan, kay diiddana iska laali kartaa waxay noqonaysaa waxay noqonaysaa Dastuur-jabin, sidoo kalana waxay dalka galinaysaa Jaah-wareer Sharci (Constitutional Crisis).
By Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi (Bacaluul).

waddi12@gmail.com).

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp