Faallo: Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Saaka, 7 May, ayaa loo dareeray doorashada Madaxweynaha Faransiiska. Hore, waxaa ugu soo tartamay 11 qof, hase ahaatee, isreebreebkii 23ka April waxaa ku soo baxay labada murrashax ee Emmanuel Macron oo ku hoggaaminayay 23.86% codadkii la tiriyay, halka Marine Le Pen ay ka heshay 21.43%. Labadoodu, saaka, waxaa ay isku haleeli doonaan tartan aad u qadhaadh.
Haddaba, maxaa laga filayaa tartankan oo ah mid ilkaha iyo ciddiyaha la isu la tegayo? Muddo aad u dheer , markii ugu horreysay, waxaa guul-darro la carraabay labada xisbi ee Midig Dhexe iyo Bidix Dhexe oo si joogta ah isaga nasin jiray hoggaanka dalka. Sidaa awgeed, maanta, xilka madaxweyne waxaa ku tartamaya laba qof iyo labo xisbi oo ku cusub saaxadda siyaasadda.
Yeelkeede, Le Pen, ayaa iyadu ku fadhida guul weyn. Waxaa ay u sharraxan tahay Xisbiga Jabahadda Waddaniga oo aan weligiis ku naaloon inuu soo gaadho heerkan uu maanta marayo. Xisbiga, waxaa hore u hoggaaminayay aabbaheed oo lagu yaqaano xag-jirnimo, nacayb dadka soo galeetiga ah, aflagaadayn iyo yesmo diimaha ku tirada yar dalka Faransiiska oo ay ugu horreyso Diinta Islaamka. Xisbiga waxaa looga bartay mintidnimo iyo dir-sooc lagu takooro dadka ka soo jeeda dhul qalaad. Sannadkii 2011, hoggaanka xisbiga Le Pen waxaa ay ka fara maroojisay aabbaheed Jean-Marie Le Pen iyadoo ku eedaysay inuu ahaa mid aan weligiisba “ka soo durdurin kob khayr qabta.”
Le Pen, Muslimiinta salaadda ku oogga jidadka faras-magaalaha Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska, waxaa ay ku tilmaamtay in ay la mid yahiin Naziyiintii Hitler ee ku soo duushay, gacantana ku dhigay magaalooyin badan oo ka tirsanaa Qaaradda Yurub.
Mar ay shir dhoola-tus ah ku qabatay degmada Henin-Beaumont oo ay ku taag roon tahay, Le Pen, waxaa ay ku tiraabtay, “shacabka Faransiisku inuu ka faa’iidaysto fursaddan oo aan hore u soo marin taasoo u suurtogelin doonta in ay ka xoroobaan nidaamka edegaynta (globalization) ee halista ku ah horumarka iyo ilbaxnimada Faransiiska.” Waxaana ay dadkeeda ku boorisay, in ay kala doortaan “dal soohdimo adag leh iyo mid u furan argagaxisada, una nugul shisheeyaha; dal aan lahayn qaab lagu xakameeyo soo-galeetiga iyo ganacsi aan isu dheelli-tirnayn.”
Sidaa darteed, murrashaxii Xisbiga Muxaafidka, François Fillon, markii lagu reebay tartankii hore waxaa uu ka sii digay taageerada Le Pen, waxaana uu is garab taagay Macron. Wareysi toos ah oo uu siiyay telifishanka ayuu ku canbaareeyay Le Pen isagoo ku duray haddii la soo doorto in ay dalka u soo jiidi doonto jab iyo hoog. Waxaana uu ku baaqay, “ma aha in aynu taariikhda mugdi gelino. Xisbiga Jabahadda Waddaniga waxaa looga bartay dulqaad la’aan, jar iska-xoorid iyo cunsuriyad innoo horseedi doonta burbur ba’an, haddii lagu aamino talada dalka.”
Dhianaca kale, murrashaxa Emmanuel Marcon waxaa uu jiraa 39 isagoo leh soo-jiidasho lagu aqoonsado lebiskiisa suntan (brand) iyo weji ay ka muuqato eed la’aan sidii uu yahay wiil 20 jir ah. Waxaa uu ku xeeldheer yahay mihnadda bangiyada, weliba hore waxaa uu soo qabtay xilka wasiirka dhaqaalaha iyo warshadaha (2014-2016). Kal hore ayuu abuuray Xisbigiisa “En Marche!” (Horuu-Soco!) oo u janjeedha bidix dhexe.
“Hadda ka dib, ma difaaci karno nidaam lagu wiiqo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu u sheegay taageerayashiisa markii uu ku soo baxay loollanka danbe. “Ma aan sheeganayo Midig iyo Bidix toona tasoo aan hadda macno lahayn. Waxaan nahay dhexdhexaad horusocod ah.”
Hase ahaatee, waxaa lagu dhaliilaa in aanu weligiis isu soo sharraxin xafiis dadweyne ama xil loogu tartamo doorasho. Sidoo kale, waxaa lagu xantaa inuu qabo macallimadiisii oo ka weyn 25 sannadood, taasoo dhashay 3 caruur ah oo gabadha u yar ay isku da’ iyo fasal ahaayeen. Isagu, guurkiisa waxaa uu u arkaa amaan ka tarjumaysa rabitaankiisa iyo go’aan qaadashadiisa adag.
Waxaa uu u ololeeyaa saylado furan, iyo sidii loo dabo-qaban lahaa kala tegista dabaqadda sare oo ku keliyeysatay fara-ku-haynta dhaqaalaha iyo dadka intiisa badan oo daafta yaalla. Waxaana uu taageeraa midnimada Yurub isagoo raba inuu dib u soo yagleelo dhaqaale soo nooleeya warshadayntii, iyo xornimada isu-socodka iyo ganacsiga. Waxaana uu dhaliilaa Maraykan oo hadda u sii xaglinaya inuu isku soo xidho derbi bir ah iyo xadhig-furashada Britain (Brexit).
Marco, si dadban, waxaa uu u taagan yahay astaanta xornimo iyo horusocod taasoo lagaga hortegayo dabaylaha ka dhacaya dunida ee hal-ku-dheggoodu yahay wadaninimo. “Aan isku tashanno, aan ka xoroonno asaageen iyo wax kasta aan ka horumarino dalkeenna,” ayaa ah xadhigga ay shacabka uga garaacayaan Trump, May, Putin, Erdogan iyo Farmaajo kasoo ay ku hanteen guulaha uga soo xerooday gudaha dalalkooda, meel kastoo ay la gaadhoba.
Sidaa darteed, haddii uu ku guulaysto in uu iibiyo siyaasad uu ku hanan karo shacabkii rajada lumiyay, waxaa uu hakad gelin doonaa duufaanka gilgilaya Yurub isagoo hoggaaminaya awoodda labaad ee Yurub. Waxaa uu soo celin doonaa hankii Yurub si loo helo midnimo, kalsoonidii Isbahaysiga NATO, iyo in dib loo aamino cududda toddobada dal ee dunida ugu awoodda badan (G7). Dadka u kuur gala waayaha dunidu ayaa qaba guushiisu inay indhaha u jeexi doonto qaabka ugu fiican ee looga hortegi karo nabadgelyo xumida sii baahaysa, argagaxisada, kala qoqobnaanta iyo dhaqaalaha sii laciifaya. Balse, waxaa la filayaa natiijada doorashada inay soo weeraraan budhcadda degelada internet-ka ee Ruushku si ay u geliyaan khalkhal ama ay wax uga bedelaan sidii ay hore u gacan geliyeen doorashadii Maraykanka 2016.
Emmanuel Macron waxaa uu ku joogaa jidkii 1997 uu jeexay Tony Blair oo loogu magac daray “tubtii saddexaad” kaasoo uu ku hoggaamiyay Xisbaga Shaqaalaha. Waxaana uu noqday Ra’iisal Wasaarahii ugu da’da yaraa tan iyo Dagaalkii 2aad ee Dunida. Tubtaa, waxaa uu ku soo afjaray 18 sannadood oo xisbigiisu aanu urin xukunka isagoo weliba sii talinayay saddex xilli doorasho oo isku xigay. Isla markaana, waxaa laga dhaxlay tobanneeyo sannadood oo dhaqaalahu uu ku jiray xasillooni iyo kobac. Blair laftigiisa ayaa ka shidaal qaadanayay Madaxweyne Bill Clinton oo isaguna da’ yaraan ku qabtay xukunka lana soo baxay wacdaro uu ku barwaaqeeyay dalkiisa uguna quus-gooyay Xisbigii Jamhuuriga.
Clinton iyo Blair waxaa ay ku midaysnaayeen nidaamkii cusubaa ee “Tubta Saddexaad” ee lagu haaneedinayay xornimo dhaqaalae, horusocodnimo iyo iskaashi, faa’iido u yeesha, dhinac kasta. Isla markaa, waxaa fikirkooda la qaatay Ra’iisal Wasaarahii Jarmalka Gerhard Schröder. Sidaa ayaa saddexdoodu horseed ugu noqdeen nidaamkii loo bixiyay “Xukunka Horusocodnimo” ama “Progressive Governanace” ee waagaas ka sheegnaa dunida.
Macron ayaa madaxa u ruxay mar lagu metelay Tony Blair, waxaana uu galka seefta ka saaray mar uu dadka taageera midnimada Yurub khudbad uga jeedinayay Jarmalka isagoo ku hadlayay af Hingiriisi taasoo aan looga baran madaxweyne Faransiis ah ama qof u tartamaya jagadaas.
Emmanuel Marcon, maalintii khamiistii, mar uu dood kulul si toos ah u la galay dhiggiisa Marine Le Pen waxaa muuqatay inuu sii fidsaday kalsoonida cod-bixiyayaasha.
“Marine Le Pen waa inanta lagu hubo aabbaheed Jean-Marie Le Pen,” hoggaamiyahii necbaa Yuhuudda, Muslimka iyo Diimaha laga tirada badan yahay. Waxaa laga soo jeexay, aragtina ay wadaagaan, “aabahii cunsuriyadda, ninkii u soo taffo xaytay inuu burburiyo dhaqaalaha iyo magaca Faransiiska,” ayuu murrashaxa Marcon dhextaal uga dhigay dooddiisa.
Doodda ka dib, afti laga qaaday dadweynaha waxaa ka muuqday Marcon inuu haysto 68% codka dadweynaha, halka Le Pen ay ku soo ururtay 32%. Waxaa kale oo la sii malaynayaa inuu kasban doono coddadkii, wareeggii hore, uu ka helay muxaafidka François Fillon (19.9%). Sidoo kale, in loogu shubi doono codadkii garabaha bidix fog ee kala ahaa Melenchon (19.6%) iyo Hamon (6.4%.) Murrashaxiinta ku dhacay wareegii hore iyo taageerayaashoodu waxaa ay ka simman yahiin colaadda fog oo ay kaga soo horjeedaan aragtida gurracan ee Le Pen.
Isku soo xoori, waxaa la sii odorosayaa Emmanuel Marcon inuu maanta, si mug leh, ugu guulaysan doono Madaxweynaha dalka Faransiiska. Guushiisa, inkastoo laga soo dhoweyn doono dunida jecel horumarka iyo is-dhexgalka, hase ahaatee, libinta u soo hoyota ma ahaan doonto mid xididada u siibta hanka Le Pen, Trump, Miles iyo Putin ay ku haybinayaan in la sii kala qoqobo dunida! Mana ahaan doonto, mid si dhakhso ah albaabada isugu ballaqda quluubta iyo soohdimaha sii kala xidhxidhan.
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Dunida, Bariga Dhexe iyo Geeska. Kala soo xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac @horrimania