Araweelo News Network.

Dalka Koonfurka Afrika waxaa ka jira nacayb aad u weeyn oo taariikhi ah, kaasi oo loo qabo dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaa ee ka kala yimi qaarada Afrika inteeda kale.

Dalka Koonfur Afrika waa dal soo maray midab takoor iyo Guumaysi ay dadka caddaanka tirada yari kusoo hayeen dadka madowga ah ee dalkaasi koonfur afrika oo ay muddo dheer soo xukumayeen.

Bishii Abriil 16, sananadkii 1652 waxaa xeebaha ” Cape of Good hope ” ee Gobolka gacanka galbeed (Western Cape ) kasoo degey ninka magaciisu ahaa Jan Van Riebeek oo watay 3 markab oo ciidan ah iyo hub baddan, waana markii uugu horreysay ee caddaanka dalkaasi Koonfur Afrika ay soo caga dhigtaan.

Jan van Riebeek ayaa ahaa nin u dhashay dalka Holland oo hormuud u ahaa nidaamkiisa Guumaysiga ee dadka caddaanka ee reer Holland ay ku qabsadeen dalka Koonfur Afrika xilligaa.

Laga soo bilaabo sannadkii 1652, illaa laga soo gaadho sannadkii 1994 dadka madowga ah ee dalkaasi waxay soo arkeen Guumaysi noocyo kala duwan ah oo aad arxan daran.

Dadka madowga ah ayaa ku noolaa xaalad fakhri ah marka loo eego dadka caddaanka ah, hindida iyo Asian-ka ku nool dalkaa, waxayna arrinaataasi sabab u noqotay inay dadka madowga ahi cuqdad u qaadaan guud ahaan dadka ajaanibta ah, iyagoo aaminsaa inay shaqooyinkoodii ay xaqa u lahaayeen ay ka qaateen oo loo bahdilay.

Dadka caddaanka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa ah dadka dunida ugu taajirsan, kuwaas oo weli maamula dhaqaalaha iyo Hantida dalkaasi Koonfur afrika, iyadoo dadka Madaw xukunka dalka loo gacan geliyay, haddana weli dadka caddaanka ah ayaa si dadban u guumaysta dalka Koonfur Afrika.

Ilaa xilligan aynu ka hadlayno dadka madowga ah kuma dhacaan inay Afka ku taagaan dadka caddaanka ah, sababtoo ah waxaa lala tiigsanayaa sharciyo aad u adag oo ay dejisteen dadka caddaanka ah ee dalkaasi sida dadban u haysta.

Waa sababta ay dadka madowga ah ee Koonfur Afrika ay cadhada ugala dul dhacaan dadka Afrikaanka ah ee kasoo jeeda Qaaradda Afrika, kuwaas oo ganacsiyo yar yar ku haysta tuulooyinka cooshadaha ah ee ay ku nool yihiin dadka madowga ah ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Dadka Ajaanibta ah ee Afrikan-ka ah ee ay ka mid tahay Soomaalidu waxaa ku dhacaya Nabarro xaq darro ah oo ay siyaabo kala duwan ugu geysanayaan dadka madowga ah, kuwaas oo aan ku dhicin inay ka aargoostaan caddaankii soo guumaysanayay boqollaalka sano, waxayna cadhada ay u qabaan caddaanka ee annaay kula dhacayn kula dul dhacaan Soomaalida oo ganacsiyo ka bilaabay dalkaa, isla markaana noqday qaarkood kuwo durba tujaar ka noqday.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah