Muxuu Gobolka Kherson U Noqday Xuddunta Dagaalka Toddobaadyo?

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Dagaal culus, ayaa  ka socda toddobaadyadii u danbeeyay dhammaan dhulka ee Koonfurta Ukraine, gaar ahaan gobolka ahmiyada weyn ee Istiraatiijiyadeed leh ee Kherson oo ay hore u qabsadeen ciidamada Ruushku.

Kolanyo Dubaabad ah oo ku socda dagaalkaGobolka Kherson, Image Araweelo News Network.

 Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegaya in ciidamada Ukraine ku qaadeen weerar rogaal celis aagag muhiim ah, isla markaana doonayaan in ay inay dib ugu qabsadaan gobolka koonfureed oo Ruushka laga qabsaday horaantii dagaalka, balse ma muuqadaan caddaymo muujinaya sheegashada Volodymyr Zelenskyy.

Laxidhiidha: Xarunta Nukliyeerka Zaporizhzhia Ee Ruushku Qabsaday Oo Cabsi Ku Haysa Aduunka Iyo Qorshaha Qaramada Midoobay Oo Fashilmay

“Qaraxyo xooggan ayaa maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan ka socday gobolka Kherson,” sidaa, waxa lagu sheegay war cusub oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

“Dagaal culus ayaa ka socda ku dhawaad dhammaan dhulka gobolka Kherson, ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa qaaday tallaabooyin weerar ah oo jihooyin kala duwan ah.” Sidaana waxa sheegatay Wasaaradda Difaaca ee Britain oo soo xiganaysa warbixinta sirdoonkeeda ee maalinlaha ah, laakiin maaha wax lagu kalsoonaan karo, sababtoo ah warbixinaha sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa noqday kuwo aan ka turjumayn xaqiiqooyinka dalkaa, tan iyo markii uu Ruushku bilaabay dulaanka Ukraine 24 February 2022.

In kasta ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo ku jira iska cabin ay sare u qaadeen xadiga madaafiicda laga soo ridayo koonfurta Ukraine, tan iyo markii ay dalalka reer galbeedka iyo xulufada Maraykanku soo gadhsiiyeen hubka, balse khuburada arrimaha Millateriga ee NATO, ayaa sheegaya in aannay wax macnaweyn ah samayn oo aanany madaafiicda iyo saannada Millateri wax weyn ka bedelin is balaadhinta Riishka, taas bedelkeedana ay kasii cahdysiisay Moscow.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Burburinaya Kaydka Warshad Gaaska Dabiiciga Ah Oo Ku Taal Xadka Finland Iyo Cimilada Oo Kulayl Isu Bedeshay

Waxaa la filayay in duqeymaha riddada dheer ee ay heshay Kyiv ay ugu yaraan carqaladeeyaan soo celinta hubka Ruushka, Balse Ruushku wuxuu sameeyay dadaal tan iyo bilawgii August si uu u xoojiyo ciidamadiisa ku sugan daanta galbeed ee Webiga Dnipro ee agagaarka Kherson, sida ay qiray warbinta wasaaradda Gaashaandhiga ee Britain.

Dhanka kale, duqeyntii Ruushka ay ku garaaceen badhtamaha magaalada labaad ee Ukraine ee Kharkiv, ayaa dhaliyay khasaare nafeed iyo bur-bur, sida uu duqa magaalada Igor Terekhov ku sheegay bartiisa Telegramka.

Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay duqaymo cusub oo ka dhacay warshadda Nukliyeer ah oo uu Ruushka ku rakibay magaalada Enerhodar ee Ukraine.

Sidoo kale, Ruushka ayaa ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay mar kale duqeeyeen dhulka warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in labo madfac ay ku qarxeen meel u dhow dhismo keyd shidaal oo ku yaalla warshadda, sida ay sheegtay TASS. Ukraine iyo Ruushka ayaa dhowr jeer midba midka kale ku eedeeyay inuu weeraray xarunta ugu weyn ee tamarta Nukliyeerka ee Yurub, taasoo lagu wado in toddobaadkan ay booqdaan koox kormeerayaal ah oo ka socota hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay, Rafael Grossi, balse Ruushka ayaa hore u diiday kooxda doonay in ay booqto xarunta warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia oo laga soo sheegayo cabsi weyn, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in duqaymo lala beegsaday, wallow ugu danbayntii uu aqbalay, kuwaas oo Khamiistii 1 September gaadhay.

Wasiirada difaaca ee Midowga Yurub oo shir ku leh Prague, ayaa raadinaya inay u gogol xaaraan sidii loo dhisi lahaa howlgalka Midowga Yurub ee tababarka ciidamada Ukraine, diblomaasiga ugu sareeya Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay mar uu Talaadadii gaaray caasimadda Czech. “

Xaaladda dhulka ayaa weli ah mid aad u xun. Ukraine waxay u baahan tahay taageeradayada, waana sii wadi doonaa taageerada, sidaa waxa suxufiyiinta u sheegay Borrell, balse wuxuu walaac ka muujiyay sida loo waajahayo xaaladda.

Ilaa hadda ma cadda halka uu ku salaysnaan karo barnaamijka tababbarka EU-da iyo waajibaadka uu yeelan karo. “Dagaal ayaa ka socda Yurub oo aan ka fogeyn halkan, gardarrada arxan darada ah ee Ruushka ayaa noqon doonta mawduuca ugu muhiimsan ee kulankeena maanta,” ayuu yidhi,  wasiirka difaaca Czech Jana Cernochova oo wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, la yeelanaya  kulankaa oo ka dhacay Prague, ayaa laga yaabaa in ay ku heshiiyaan in la adkeeyo bixinta fiisaha Ruushka oo ay bilaabaan ka doodista mamnuucid ballaadhan oo fiisaha dalxiiska ah, inkastoo saraakiisha Midowga Yurub ay sheegeen in aan heshiis laga gaarin arrintaas.

Balse Midowga Yurub waa in aanu joojin dalxiisayaasha Ruushka in ay booqdaan ururka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa sheegay ka hor kulanka wasiirrada arrimaha dibadda.

Toddobaadyo is daba joog ah ka dib, Ukraine ayaa sheegtay in ay qaaday weerar culus oo ay ku dooneyso in ay dib ugula wareegto dhulkii uu Ruushka qabsaday todobaadyadii ugu horeeyay ee duulaanka.

Saraakiisha Kyiv ayaa sheegay in ciidamadooda ay jabiyeen difaacyada Moscow ee dhowr meelood oo ka mid ah jiidda hore ee gobolka ee ku hareeraysan magaalada Kherson, wallow aannay jirin warar madaxbanaan iyo caddaymo muujinaya sheegashada wararkaa.

Magaalada Kherson, oo ku taal meel istaraatiiji ah oo ku taal koonfurta Ukraine oo ku taal afaafka ka bixitaanka Webiga Dneiper iyo Badda Madow, sidoo kale Kherson waa magaalo leh deked xarunta Kherson ayaa ah Oblast, waana xaruntii ugu horreysay ee muhiim ah oo magaalo dhacda meel istiraatiiji ah oo Ciidamada Ruushku la wareegeen tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine 24-kii February 2022.

La wareegitaanka magaalada ayaa guul muhiim ah u ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaddib markii ay soo baxeen dib u dhacyo ciidan oo is daba joog ah, iyadoo ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof, sidaa darteed Kherson waa magaalada ugu weyn iyo caasimad goboleedkii ugu horreeyay ee gacanta ku dhigay Ruushku, taas oo ay khuburada ka faallooda arrimaha Millateriga sheegayaan in ay adagtahay in dib looga riixo, maadaama ay isku xidho Crimea ilaa xeebta, waxayna ahmiyad weyn u leedahay haysashada Ruushka ee Luhansk iyo Mariupol, iyo galbeedka jihada Kherson iyo Dekedda Odesa oo u jirta 202 kilometers (125 miles).

Sidoo kale, haysashada Ruushka ee Kherson, waxay ahmiyad weyn u leedahay Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk, kuwaas oo ah labada gobol ee hore ugu dhawaaqay Jamhuuriyaddaha, kuwaas oo ah waa laba dawladood oo mabda’a Ruushka ah qaatay, isla markaana ku dhow gobolka Donbas ee Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com