Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa faaqiday waxyaabaha Somaliland u qabsoomay sannadkii 2021, dhibaatooyinka dhanka collaadaha ee la xaliyay iyo mushkiladaha dunnida ka alloosan ee dagaalada dhawr iyo konton dal.

Qoraal uu Siyaasi Maxamuud Xaashi kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, wuxuu bilaabay sidan:-

”Sannadkii inna dhaafay, Eebbe mahadii, waxa innoo dhammaaday mashruucii ballaadhinta iyo casriyaynta Dekedda Berbera. Waxa dhammaaday dhismihii madaarka Berbera. Waxaa kale, oo kala badh la dhisay jidka halbowlaha ah ee u dhaxeeya Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor).

Waxa dhab noqday dhawaaqii ay dad badani moodayeen dhalanteed iyo hadal dhaanwade oo aan dibnaha dhaafsiisnayn. Taladan toosan iyo tacabkan toolmoon ee aynu ku talaabsanay, waxay tubta cagta u saareen qarankeena guul taariikhi ah.

 Taas oo innaga daaye, dhaxal iyo dhito u noqon doonta dhasheena iyo dhasha ay dhali doonaan idam eebe. Hillaadinta, hal abuurka iyo hamiga fogi, waa waxa ay hoggaamiyayaashu dheeryihiin haldoorka kale ee asaagood ah. Eebbe mahadii maanta waxaynu nahay ummad leh marso caalami ah, oo ku taal mandiqad iyo marin biyood muhiim u ah, ganacsiga dunida isaga goosha.

Midhadhalka mashruucani wuxuu ka markhaati kacayaa in aynu nahay, dad wax lala yeelan karo ama dalkooda la maal gashan karo. Dariiqani waa kii ay kaga baxeen safka saboolnimada iyo dunnida sadexaad ee silica ku nool, dalalka Singapore, Dubai (UAE), Malaysia, South Korea, Israel, Hong-Kong iyo qaar kaloo badan.

Sannad kii aynu sagootinay, wuxuu dunida u ahaa dalal badan sanad colaadeed, kaas oo aanay calfan nabada iyo caanaha eebe cawada iyo ayaanka inoo siiyay. Sanadkii 2021-ka waxaa todobada qaaradood ee dunida ka dhacay 56 colaadood oo kala culus. Colaadahaasi waxay ku kaceen dhaqaale dhan 5 billion oo dollar, waxaana ku bara kacay dad ku dhaw Boqol Million. Dalalka Suuriya, Liibaya iyo Yemen waxaa toban jirsaday dagaalada sokeeye ee ka dhexsocda (2011-2021)

Sidoo kale, dalka Ethiopia waxa ka dhex qarxay sannadkii tagay dagaal sokeeye. Dagaalada ka socda dalkan aynu Ood-wadaagta nahay waa kuwo saamayn toos ah ku leh, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo ganacsiga, dhammaan bah-wadaagta iyo bulshooyinka gobolka geeska Afrika ee aynu kow ka nahay. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in aynu si joogto ah isha ugu hayno, isla markaana ku wajahno aragti sax ah.

 Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxda xisbiyada mucaaradka, mawqifkii ay ka qaateen dagaalada sokeeye ee ka socda gudaha dalka Ethiopia. Waxaan u arkaa in ay asiibeen aragtidii saxda ahayd ee innagalla gudboonayd.

Deganaanshaha iyo nabadu waa raasamaalka ugu weyn ee aynu ku soo caano maalay. Sidoo kale, waa waxa ay dunidu inagu majeerato. Sannadkan ina dhaafay waxa dhulkeena hooyo ka dhacay dhawr shaqaaqo oo nabad-gelyo daro ah, kuwaas oo ay dadna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen. Waxaan ka tilmaami karaa shaqaaqooyinkaa kuwii ka dhacay deegaanka Shidan oo ka mid ah degmada Ceerigaabo. Kuwii ka dhacay deegaanka dhabar-dallool oo ka tirsan degmada Laascaanood. Iyo kuwii ka dhacay deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan degmada Garadag. Eebbe mahadii dhammaan isku dhacyadaa iyo dhagarahaa sokeeye waa la xakameeyay, isla markaana waxa laga sameeyay xabad joojin waartay. Iyada oo qaarkood dhibaatooyinkaa xal rasmi ah loo helay, qaar kalana wali aan la xallin.

Sidaa darteed, waxaa waajib inagu ah dhammaanteen inaynu adkayno,  isla markaana ku faro adaygno nabada iyo degenaanshaha eebe ina siiyay. Waxaan xukuumada ugu baaqayaa in ay shaqaaqooyinkaa kuwa qabyada ah xal waara oo degdega ay ka samayso.

Xiisaddaha siyaasadeed ee ka jira Yurubta bari, dalka Turkey-ga, xaalada doorashooyinka Soomaaliya, isbedalada mandiqada Bariga dhexe iyo colaaddaha ka dhex huraya. Loollanka siyaasadeed ee ka dhex curtay dalalka dunida ugu xoogga badan ee Maraykanka, Yurubta galbeed, ruushka iyo Shiinaha, intuba waa kuwo innagu leh saamayn dhaqan dhaqaale.

Dabayaaqadii sannadkan waxyaabihii aan aad u xiiseeyay dhinaca siyaasada, waxaa ka mid ahaa safar kii ay Somaliland ku yimaadeen Congressional staff-ka Maraykanka, kaas oo muhiim iigu muuqday. Waxaan u arkayay in uu safarkani dabada ku hayay xogdoon iyo xeeladaysi dadban. Waxaan rajaynayaa in uu noqdo mid ay ka soo baxaan faa’iidooyin iyo dano la wadaago (mutual interest).

La soco dhamaadka qormada danbe oo aan idinkula wadaagi doono aragtidayda ku wajahan khilaafka siyaasiga ah ee hada taagan, iyo Buugtii ugu xiisaha badnayd ee aan sanadka akhriyay