yusufgabobe

Intii aanu madaxweyne Sillanyo xukunka qaban ,xukuumadahii UK ee kala dambeeyey waxay ku dhaqmi jireen siyaasad (policy) si gaar ah u tixgalinaysa gooni-isu-taaga,deganaanshaha iyo geedi-socodka dumuqraadiyadeed ee Somaliland,waxanay Ingiriisku aakhirkii dawladaha kale ee EU-da ku soo dabaaleen inay urur ahaan qaataan siyaasadaasi.Inkastoo aanu mawqifkaasi aheyn aqoonsi buuxa hadana siyaasadaasi waxay qiraysay in Somaliland ay ka jirto xaalad gooni ah oo u baahan macaamil gaar ah oo ka duwan ka Somalia lagula dhaqmo(dual track policy).Waxa kale oo ay dhiirigalinaysay in Somaliland sii waddo horumarka uga hirgalay dhinacayada nabadgelyada iyo dumuqraadiyada oo aanay beesha caalamku carqaladeyn balse taageerto waxyaabahii Somaliland u qabsoomay.Hadii sida mar marka qaarkood dhici jirtay la afgaran waayo madaxda Somaliland,beesha caalamku waxay Hargeysa u soo diri jiren diblomaasiyiinta Uk ee ku sugan Addis Ababa kuwaaso wax kala furdaamin jiray iyadoo ay madaxda Somaliland ee xilgaasi xilka hayaa ay marwalba maskaxda ku hayn jireen qadiyadda Somaliland ee u baahan inay firdhiyaan maahee kasbadaan beesha calamka ee ay aqoonsiga ka doonsyaan..Cilaaqaatka caynkaas ah iyo xasiloonida iyo horumarka kolba uga qabsoomayey xagii dimuqraadiyadda ayaa Somaliland u saamaxay inay saaxiibo badan oo iskood ugu dooda ku yeelato dunida.Dawladihii, ururadi iyo shakhsiyaadkii Somaliland taageeri jiray iyo xidhiidhadii heer gobol iyo heer caalamiyaba lahaa ee u hirgalay, maanta waxba kama sii noola,waxaanay ku burbureen gacanta Madaxweyne aan danba ka laheyn oo dantiisa gaarka ah iyo ta qoyskiisa ka doorbidaya danta guud siiba qadiyaddii mudnaanta laheyd ee ictiraafka .Beesha caalamku waxay gaadheen heer ay Somaliland ka niyad jabaan kana rajo beelaaan khusuusan markii ay si fiican u yaqiinsadeen in Axmed Sillanyo iyo cidda ku xeerani aanay habayaraatee danba ka laheyn qadiyadda ictiraafka Somaliland oo shacbiguna ay waliba xukuumadooda ku daawanayaan burburinta sumcadii caalamiga aheyd ee dalkooda u baxday ee tacabka badani ka galay .Raaiisal-wasaaraha Ingiriiska Thereza May caawa waxay khudbadeedii UN-ka ku cadaysay inay dawlad ahaan ka quusteen Somaliland oo ay Somalia wax la qabsanayaan.Mucaarid iyo Muxaafid jira oo la odhan karo eeda ayey wax ku leeyihiin run ahaanti ma jiro ee Mr Sillanyo iyo kooxda yar ee dalka la xukunta ayaa dambigan u qoolan.