Araweelo News Network.

Dadka Soomaaliyeed waa dad asal ahaa xoollo dhaqato ah oo reer miyi ah, tusaale ahaan, waxa lagu qiyaasaa  85% inay yihiin xoollo dhaqato, halka 15% lagu qiyaaso inay yihiin dad reer magaal ah oo xaddaarad magaalo leh.

Dadka dega dhulka xeebaha ee leh xaddaarada, ayaa noqday  kuwo qaab qabiilaysan looga Tiro batay, waxaana laga fara maroojiyay  awoodda talada.

 

Inta baddan Awoodda sare ee dalka waxaa la wareegay qabaa’ilka  asal ahaan xoolo dhaqatada ahaa, waxyna isku dhex dareen dhaqankii Miyiga iyo dowladnimadii, oo ah laba shay oo mar walba is diidaya.

Dawladnimada Soomaaliya waxay ku dhisantahay qaab qabiil oo ah saamiga qoondaynta 4.5.  waa nidaam dulmi ah oo aannay ku dhaqmin dawlad dunida ka jirtaa.

 

Wixii ka horreeyey 1960 Soomaalidu ma aqoon wax la yidhhado dowlad. Waxaana ugu horreeyay Nidaam dowladdeed markii uu yimi isticmaarkii reer yurub.  dowladnimada casriga ah kama Jirin geyiga Soomaalida, balse waxaa  ka jiray boqortooyin qaab qabiil u dhisan, oo qaab qabiil u dhaqma.  sidaa ayuu ahaa xaalka qabiilada Soomaliyeed ka hor imaatinkii isticmaarkii reer Yurub.

 

Xaddaarada islaamka ee la xidhiidha dowladnimada kama hir gelin Soomaaliya, sida dalalka Suudaan iyo Muritaaniya oo kale.  Waxaana u sabab ah dadka Soomaaliyeed oo ah dagaalyahamiin jahliga qabaliga ah ku dhaata,  taas ayaa sababta ugu weyn noqotay in ay suuro geliweyday in dhaqanka wanaagsan ee islaamku aannu uga hir galin sida waddmadaa aan sheegnay uu saamayn ugu yeeshay islaamku nidaamka dawliga ah oo qabyaalada iyo cunfiga qabaliga ah ka awood batay diinta  iyo in la helo nidaam dawli ah oo ku dhisan caddaalad.

 

Sidoo kale, dawladnimadii casriga ahayd ee Reer Yurub keeneen Soomaaliya kama hir gelin, waxaana hor istaagay dhaqankii qabaliga ahaa ee Miyiga oo lagu dhex daray Nidaamkii dowlaliga ahaa ee casriga ahaa , sida QABYAALADDA, isku awood sheegashada, isku Faanka, is xaqiraadda iyo xifaaltanaka ka dhexeeya BEELAHA Soomaalida, waana sababta keentay inay fashilanto nidaamka la doonayay in Soomaaliya laga sameeyo nidaam dawli ah oo casri ah.

 

Natiijada arrinta ka dhalatay ayaa fashilka ayaa Soomaaliya ka dhigtay inay gasho lambarka 1aad waddmada Dunida ee fashilmay (Somalia ranks world’s number one failed state).

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.