Liisanka Saddexda Xisbi Oo Dhacaya Afar Todobaad Kaddib

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Diiwangelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa maanta gudbiyay Liiska rasmiga ah ee Ururrada Siyaasadda ee buuxiyay shuruudihii tartanka iyo saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray oo isu beddelaya Ururro siyaasadeed.

Guddida ayaa Kommishanka Doorashooyinka Qaranka u gudbiyay 10 Urur siyaasadeed oo kasoo gudbay tartankii iyo saddexdii Xisbi ee hore u jiray, kuwaas oo noqonaya Ururro wixii ka danbeeya Desember 2022.

Qoraal ay ka akhriyeen Guddidu go’aankooda, waxay ku sheegeen in markii ay arkeen Qodobka 9aad, ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Faqradiisa1aad iyo 2aad iyo qodobka 22aad faqradiisa 2aad, sidoo kale xeerka diiwaangelinta Ururrada siyaasada Xeer L/14 2011, qodobkiisa Afraad faqradiisa 3aad xarafka (J),  oo jidaynaya muddada Liisanka ee Xisbi Qaran oo toban sannadood oo ka bilaabmay taariikhda liisanka la siiyay.

Sidaa awgeed guddi ahaan markii ay arkeen in muddada dhaqangalka Liisanka saddexda Xisbi Qaran ee maanta jira KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ku dhammaanayso 26 Desember 2022,  iyo tilmaamaha qodobka 20aad ee Xeer 14 , faqradiisa 2aad, ee jidaynaysa shuruudaha looga baahanyahay Xisbiyada Qaranka ee jira, kuwaas oo usoo kala gudbiyay guddida diiwaangeinta shuruudaha intii u dhaxaysay  17 – 19 September  2022.

“Markaan aragnay natiijadda kasoo baxday Ururrada siyaasada ee ku xusan go’aanka guddida, isla markaana ku taariikhaysan 6 November 2022,  iyadoo lagu ansixiyay 9 urur siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, in ay ka qayb qaataan doorashada axsaabta qaranka.” Ayay ku yidhaahdeen go’aanka.

 

Sidoo kale, waxay sheegeen in markii ay arkeen xukunka Maxkamadda sarre ee Jamhuuriyadda Somaliland ee soo baxay 17  November 2022, kaas oo Maxkamddu ku amartay guddida diiwaangelinta  in Urur siyaasadeedka Tala-wadaag lagu daro liiska Ururrada gudbay ee loo gudbinayo Kommishanka doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Maanta oo taariikhdu tahay 21 November 2022,  si rasmi ah idiinku soo gudbinaynaa Liiska Ururrada  iyo axsaabta Qaranka ee buuxiyay shuruudihii ka qaybgalka tartanka doorashada  axsaabta qaranka, ee Kommishanku qaban doono.”

Magacyada Ururrada loo gudbiyay Kommishanka Doorashooyinka.

Barwaaqo.

Hilaac.

Horseed.

Kaah.

Kulmiye.

Mideeye.

Ogaal.

Rajo.

Shacabka.

Tala-wadaag.

UCID.

Waaberi.

WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com