Araweelo News Network.

Madaxweynihii hore dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa la ogaaday inuu hormuud u YAHAY dadka caddaanka ah ee xagjirka ah, kuwaas oo aaminsan sarraynta caddaanka iyo in dadka midabka aan caddaanka ahayn laga tirtiro dalka Marayknaka ah.

 

Taageerayaashiisa ayaa u baddan dadka caddaanka ah ee xagjirka ah, kuwaas oo diidan bulshooyinka midabka kale ah ee ku nool dalka Maraykanka.

Tusaale ahaan Haweeynayda la yidhahado Kathlee Blew ee Hoggaamisa dhaqdhaqaa Hubaysan ee dadka caddaanka ah ee loo yaqaan ” Bring the war Home” ayaa taageero weyn u haysa Donald Trump, waxayna u arkaan inuu YAHAY Hoggaamiye sare oo soo Celin kara sarraynta caddaanka.

 

15 kii bishii March ee sannadkii 2019, Brenton Harrison Tarrant oo ahaa nin cunsuri caddaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Australia ayaa 51 qof muslimiin ah ku dilay masjid la yidhaado Al-Noor oo ku yaalla magaalada christ church ee dalka New zealand.

 

Dambiilaha caddaanka ayaa aaminsanaa mabaadii’da sarraynta caddaanka, wuxuuna dadkaasi muslimiinta u dilay nacayb uu u qabo oo keliya.

 

Donald Trump dadka uu Hormuudka u YAHAY waa dad cunsuriyiin caddaan ah oo aaminsan mabaadii’da sarraynta caddaanka (White supermecy) , wuxuuna Halis ku yahay Nabadda iyo wada jira dalka maraykanka.

 

Haddii la rabo dalka Maraykanka oo Nabad oo wada jira waan in laga digtoonaadaa halista Donlad Trump, maadaama uu hormuud u yahay dadka caddaanka ah ee cunsuriyiinta ah.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.