Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ah, ayaa si cad u sheegay in aannay axsaabta mucaaradku haysan wax sharciyad ah, isla markaana aannay wax xuquuq ah ku lahayn qaranka.

 

Sidaana waxa sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo tilmaamaya waxyaabaha kasoo baxay kulankooda,  isagoo ka hadlayay shirka guddida fulinta ee Xisbigaa oo Madaxweynuhu guddoominayay Sabtidii.

Wuxuu sheegay in Axsaabta mucaaradku ay sharcigii ka leexdeen, isla markaana aannay wixii maanta ka danbeeya sharciyad ka haysan Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland, maadama ay hore u sheegeen in aannay aqoonsanayn Xukuumadda

“Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeedhay xisbiyada mucaaradka ku tilmaamay miq qayrul-dastuuri ah oo qaran jabin ah, sidaa awgeedna anay qaranka ku lahayn xuquuq sharci” ayuu yidhii Xoghayaha KULMIYE.

Mar uu ka hadlayay arrimaha sharciga iyo qaanuunka dalka, wuxuu Xisbiga KULMIYE, ku tilmaamay Madaxweyne Biixi inuu yahay mid ku adag ilaalinta sharciga, “Xoghayaha Xisbiga Kulmiye, wuxuu guddoomiyaha ahna,  Madaxweynaha usoo jeedinayaa in uu dulqaad muujiyo sidii uu awalba ku sifaysnaa” ayuu yidhi, Xogeeyaha Guud Faysal Cabdiraxmaan.

Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in dulqaadka Madaxweynaha looga baahanyahay shardi looga dhigay in aanu noqon mid dhibaato u gaysanaya ama gef ku noqonkara ilaalinta shuruucda Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo beegantay, kaddib markii ay labada xisbi mucaarad toddobaadkii hore sheegeen in aannay aqoonsayn xukuumadda, maadaama xilligii shanta sannadood ee Madaxweyne Biixi dhammaatay oo ku ekayd 13 November 2022, isla markaana aannay qabsoomin doorashadii madaxtooyadda, sidaa awgeedna aannay aqoonaysan muddada xukuumadda loo kordhiyay iyo mudduda guurtidu korodhsatay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com