Haweenayda saliida
Hargeysa (ANN) Haweenay reer Somaliland, ayaa hindistay saliid loogu talogalay in la marsado madaxa, isla markaana lagula dagaalamo bidaarta, lagagana hortago in timaha daata.
Haweenaydan oo la yidhaah Aamina Xuseen Ibraahim oo saxaafadda la hadashay shalay, waxay sheegtay inay hindistay saliid magaceedu yahay Zaki, taasoo ay xustay in aan lagu darin wax kiimiko ah, laguna sameeyey tijaabooyin lagu ogaaday inay waxtar u leedahay ka hortaga timaha daata iyo soo celinta timaha go’ay ee madaxda.
“Saliidan Zaki hindisaheedu waxa uu ku yimi dhibaato ka haysatay dhinaca timaha qof aannu ehel nahay, muddo sannado ah ayaan waday baadhitaankeeda, waxaanna Ilaahay mahadii ah in aan aakhirkii ku guulaystay in saliida Zaki xal u noqoto dhibaatadii aan u raadinaynay,” ayey tidhi Aamina Xuseen.
Waxa kaloo ay sheegtay in saliida lagu tijaabiyey dad kala duwan oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo ay xustay inay hadda isticmaalaan saliida Zaki, kadibna xal u heleen dhibaatada dhinaca timaha ah ee haysatay.
Haweenaydan muwaaddinadda ah ayaa sidoo kale tilmaantay in isticmaalka saliida Zaki aanay caafimaad ahaan wax dhibaato ah u lahayn dadka, maadaama aanay gabi ahaanba ku jirin wax kiimikal ah, iyadoo xustay in saliidan laga diyaariyey waxyaabo dabiici ah oo isugu jira saliido iyo dhir, taasoo ay sheegtay inay la mid tahay dawo-dhaqameedkii Soomaalidu isku dawayn jirtay.
“Diyaarinta saliidan Zaki looma adeegsan wax kiimiko ah, waxa laga diyaariyey saliido kala duwan iyo dhir dabiici ah, waxtarkeedana tijaabo ay ku sameeyeen rag iyo dumarba, waana la ogaaday faa’iidadeeda iyo waxtarka ay u leedahay timaha,” ayey tidhi marwo Aamina Xuseen, iyadoo intaas ku dartay in macmiil kala duwan ay tijaabooyin ku sameeyeen saliidan sannadihii u dambeeyey, balse markii tijaabooyinkaas lagu guulaystay ay hadda go’aansatay inay u bandhigto dadka Soomaalida ah iyo bulshooyinka kale ee caalamkaba.
Waxa kaloo Aamina Xuseen Ibraahim ku baaqday in dadka kala duwan ee ka cabanaya bidaarta iyo timaha madaxa ee daata, ay isticmaalaan saliida Zaki oo ay xustay inay waxtar u noqon doonto, isla markaana aanay kala kulmi doonin wax waxyeelo ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.