Araweelo News Network
haweenka qurxoon
Daraasad dhawaan la soo saaray, ayaa iftiimisay in haweenka qurxoon ay darajo sare ku baxaasan imtixaanka weji ka wejiga looga qaado.
Koox cilmi-badhayaal ah oo ka socday Jaamacada Metropolitan State Univesity of Denver, ayaa ogaaday in hablaha isku fasalka ah la kala takooro fasalada dhexdooda, iyadoo imtixannaadka tooska amma weji ka wejiga loo qaado ay darajo hoose keenaan haweenka loo arko in aanay soo jeedasho lahayn.
Muqaalka amma quruxdu saamayn kuma yeelato ragga ardayda ah, waxaanay cilmi-baadhistu in takoorka noocan ah ku dhaco haweenka isku shaqada ah iyo kuwa isku fasalka ahba.
Daraasadan oo cinwaankeedu ahaa Muqaalka Ardayda iyo horumarka tacliineed () ayaa la isku barbardhigay muqaalka ardayda iyo heerka uu imtixaanka keeno xidhiidhka ka dhStudent Appearance and Academic Performanceaxeeya
Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada Independent, waxaana ka soo baxday in imtixaannada fool ka foolka ah ay darajo hoose keenaan dumarka aan quruxd loo tirinayn, halka kuwa soo jeedishada lehna ay darajo sare keenaan
Cilmi-badhayaashu waxa ay fallanqeeyeen kadib darajo ay kala keeneen ardayda daraasada ka qaybgashay, waxaana la ogaaday in ardayda darajada hoose keenay ee haweenka ah aanay muqaal ahaan soo jiidasho lahayn, gaar ahaan maadooyinka weji ka wejiga looga qaaday ee macallimiintu muqaal ahaan ardayda arkeen, halka maadooyinka aan la arag ee macallinku ardayda aanu arag loogu kala sareeyey dedaalka.

Daraasad hore, ayaa iftiimisay in goobaha shaqooyinka ay ku kala sareeyaan sida haweenku u kala qurux badan yihiin oo inta badan la door bido haweenayda qurxoon, xataa haddii ay ka aqoon yar tahay ta foosha xun.
“Macallimiinta sare amma buuniyadu (Prefessors) waxa ay awoodda saraan quruxda, waxaanay ardayda qurxoon ka caawiyaan in ay si fiican wax u bartaan si ay darajo fiican u hesho,” ayey yidhaahdeen khubarada daraasada diyaarisay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380