Araweelo News Network

Robert Mugabe Madaxweynaha  Zimbabwe iyo Ibraahim Boubacar Madaxweynaha Dalka Mali

Robert Mugabe Madaxweynaha Zimbabwe iyo Ibraahim Boubacar Madaxweynaha Dalka Mali


Qormada Labaad
Ibraahim Boubacar Keita (Mali)
Madaxweyne Ibraahim Boubacar oo dalka Mali ka talinayey laga soo bilaabo 4 September 2013kii waxa uu ka mid yahay ragga ugu aqoonta badan hoggaamiyayaasha Afrika. Waxa uu wax ku bartay Jaamacadaha Lycee Janson-de-Sailly ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska, Laycee Askia-Mohamed ee magaalada Bamako, Jaamacadda Dakar, University of Paris I iyo Mac-hadka la yidhaa Institute d’Histoire des Relations Internationales Contemporaines.
Waxa uu diyaariyey shahaadada labaad ee Jaamacadda oo uu cilmiga siyaasadda ku bartay (Master of Political Science) iyo waliba shahaadada labaad ee Jaamacada oo uu ka haysto taariikhda (Master’s Degree in History).

Robert Mugabe (Zimbabwe)

Madaxweynaha Simbaabwi oo waxbarashadiisu aad u badan tahay, isla makraana aad loogu yaqaan heerkiisa aqooneed oo aad u sarreeya. Waxa uu haystaa shahadooyin kala duwan oo sharci, saynis, aartis, maamulka iyo tacliin intaba isugu jira (Bachelor of law, Bachelor of Science, Bachelor of Education, Bachelor of Administration and Bachelor of Ars). Waxa lixda shaahaado u raaca laba shahaado oo heerka labaad ee jaamacadda ah oo uu ka diyaariyey sharciga iyo sayniska (Master of law and Master of Science).

Jaamacadda uu Digriigiisa sayniska ka diyaariyey waxa ay tahay Jaamacadda University of Fort Hare, halka uu lixda shahaado ee kale ee darajada koowaad ee Jaamacadana ka diyaariyey masaafo ama waxbarashada aan tooska ahayn.
Waxa cajiib ahayd isagoo Ra’iisal-wasaaraha dalkiisa ah waxa uu dhammaystay shahaadada labaad uu ku diyaariyey cilmiga sayniska.

xiggasho: Jamhuuriya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380