By. Abdirashid Ali Aw Yusuf

Waxa loo yaqaano Calendarka oo ah jidwalka lagu soo bandhigo bilaha sanadka iyo maalmaha sida ay isugu aadanyihiin waxa uu ka soo jeedaa boqortooyadii Roomaanka. Kuwaa oo ku tirsan jirey sanadka cadceeda, Hadaba markii ugu horeysay waxa jidwalkan aasaasay Romulus oo ahaa ninkii asaasay boqortooyadii Roomaanka Sanadkii 753 BC, waqtigaasi jidwalkan bilaha waxaa loo yaqaaney Romulus’s Calender waxaa uuna ka koobnaa 10 bilood oo u dhiganta 304 maalmood iyo 30 maalmood oo xiliga jiilaalka ah oo ka madaxbanaanaa bilaha, sidaa darted sanadku waxa uu ka dhignaa 334 maalmood.

Numa Pompilius oo ahaa boqorkii labaad oo kamid ahaa boqoradii dhaqanka ee todoboda ahaa ee Roomaanka ayaa dib uhabayn ku sameeyey jidwalka Romulus taariikhdu markay ahayd 713 BC. Waxa uuna kudaray labo bilood oo uu ubixiyey January iyo February waxa uuna asaasay sanad ka kooban 355 maaalmood. Ugu dambayntiina waxaa jidwalka dib uhabayn ku sameeyey Julian Caesar oo ahaa boqor xukumijirey Roomaanka waxa uuna wax kabedelka jidwalka sameeyey taariikhdu markii ay ahayd 46 BC isaga oo kordhiyey tirada maalmaha oo ku daray 31 maalmood taas oo sanadka ka dhigtay 365 maaalmood.

Jidwalkiina waxa loo bixiyey Julian Calendar waana kan manta laga isticmaalo dunida waxa uuna afartii sanoba ku kordha hal maalin bisha February taas oo ka dhigaysa sanadka 3651 /4 maalmood. Hadaba tariikhdu markii ay ahayd 8 BC boqorkii la odhanjirey Augustus Caesar ayaa labo bilood magacii ka bedeley una bedeley bishii la odhanjirey Quintilis ubedelay Lulius(July) iyo bishii Sextilis ubedelay August. Jidwalkan Jullian Calendar waxa uu ku faafay qaarada Yurub waxa uuna ugudbey Ameerika ugu danbayntiina waxaa jidwalkii usu bedelay Gregorian Calendar mudo 1500 oo sano ah kadib, sababtoo ah ragii Giriiga ahaa eeku takhakhusay cilmiga malhuugaa ama xidigiska ayaa saluugay dhererka sanadka Julian sababtoo ah waxaa ku saayid ahaa 3651 /4 maalmood daqiiqado kooban kuwaa oo afartii qarniba kudara sadex maalmood oo dheeraad ah, taariikhdu markay ahayd 1582 miiladiga ayaa xidigiyayaashii Giriiga ee ku xeesha dheeraa malhuuguhu ku guulaysteen inay kasaaraan daqiiqadaha saayidka ah una bixiyeen jidwalka Gregorian Calendar iyaga oo ugu magacdaray baaderigii diinta Kiristaanka ee Pope Gregory XIII.

Waxa uu sanadka cusub ee Gregorian Calendar noqday mid ka kooban 365 Maalmood 5 saac, 49 daqiiqo iyo 12 ilbidhiqsi, halka Julian Calendar sanadkiisu ka koobnaa 365 maalmood iyo 6 saac. Taasina waxa ay ka dhigaysaa farqiga u dhaxeeya 10 daqiiqo iyo 48 ilbidhiqsi sanadkiiba oo udhiganta 0.002%.

Calendarka uu hirgeliyey Pope Gregory ee Gregorian Calendar waxaa ugu horeynba laga isticmaalay Kiniisadaha Kaatoliga (Catholic) ee wadamada Yurub, kadib waxaa iyana isticmaalay Protestans-ka iyo Orthodoxka bariga iyagoo meesha ka saaray Julian Calendar-kii hore waxa uuna si buuxda dunida ugu faafay sanadkii 1923 ee taariikhda Miilaadiga.

Gregorian Calendar waxaa lagu isticmaalaa ereyo laraaciyo sanadka si loogu garto waqtiga uu ka soo bilaabmay waana laba nooc, mid ka hore waa AD tusaale ahaan 400 AD ereygani waxa uu utaaganyahay “Anno Domini” waana erey ka soo jeeda Af-laatiniigii dhexe macnihiisuna waa “sanadkii ilaahay” iyagoo uga jeeda sanadkii uu dhashay nebi Ciise (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee),Sababta oo ah qayb gaalada kamid ah ayaa aaminsan inuu nebi Ciise ilaahyahay.
Mida labaad ee taariikhda laraaciyaa waa BC oo ka soo jeeda nin taariikhyahan ahaa oo ka soo jeeday dadkii Anglo-Saxon-ka la odhanjirey oo magaciisa la odhanjirey Venrable Bede isagoo ku dhex isticmaalay buugaagtiisii uu ku qoray diinta Kiristanka ereyga “Ante Vero Incarnationis dominicae tempus” oo ah Af-laatiini macnihiisuna yahay Ciise hortii iyagoo sheegayna in nebi Ciise ilaah ahaa, lakiin waqtiyadii danbe waxaa Ingiriisku u bedeleen “Before Christ” oo ah nebi Ciise hortii.