Araweelo News Network

khudrada iyo waxyaabaha laga sameeyay dawooyinka macaanka iyo Buurnida

khudrada iyo waxyaabaha laga sameeyay dawooyinka macaanka iyo Buurnida

Riyadh(ANN) Nin iyo ooridiisa oo u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa fududeeyey soo-saarista dawo kor u qaadaysa caafimaadka dadka macaanka qaba, laguna yaraynayo buurnida xad-dhaafka ah iyo cudurka wadne-xannuunka.
Cilmi-baadhayashan ayaa dawadan ogaaday, kadib markii ay isku dareen laba walxood oo ay ka heleen cannabka cascas iyo liin macaanta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lammaanahani sareen.
Mr. Alaa Shafie iyo xaaskiisa Amal Ashour ayaa qayb ka ahaa koox ka socday jaamacadaha University of Warwick iyo United Kingdom, kuwaasoo ku guulaystay dawo cusub. Waxa ay cilmi-badhayaashu rajaynayaan in dawada ay soo saareen noqon doonto caalamka ku fida amma booratiin si fudud loo heli karo.
Prof. Thornalley oo cilmi-baadhistan hoggaaminayey, ayaa sheegay; “Waa arrin aad u qaali ah oo horumar laga gaadhay, saamayn aad u weyna ku yeelan doonta awoodayada lagu dawaynayo cudurradan iyo waliba in la caawiyo sidii dawo loogu heli lahaa bukaanka macaanka qaba iyo dadka buurnida la taag daran.”
Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska la yidhaa Diabetes oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay caawimada dhaqaale ka heshay hay’adda hal-abuurka Ingiriiska (Innovate UK). Mashruucan waxa hormood ka ah jaamacadaha University of Warwick iyo UHCW (University Hospitals Coventry and Warwickshire).
Kooxda uu hoggaaminayo Prof. Paul Thornalley oo ah khabiir cilmiga noolaha (biology) ka dhiga kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Warwick, ayaa sheegay in labadan shay oo khudaarta laga helay ay yihiin kuwo aan inta badan la helin, balse laga helo canabka cas iyo liin macaanta, marka ay dhiigga dhex qaadaana faa’iido caafimaad leeyihiin.
Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in si fiican ay dawo ugu noqon karaan macaanka muddo lix bilood haddii qofka la siiyo, lagaga maarmi karaana daawada Metformin oo la siiyo dadka buurbuuran, laakiin khatarteedu tahay in ay sababto macaanka, gaar ahaan nooca labaad (Type 2 Diabetes), sidaa darteedna daraasadda waxa lagu ogaaday in khudaarta shayada laga helay ka faa’iido badan yihiin daawada, hoosna u dhigaan sonkorta dhiigga ku jirta ee buurnida keenta.
Khubaradu waxa ay intaa ku dareen in canabka iyo liin-macaanta laga helay inay jidhka ka caawiyaan soo-saarista booratiinka Glo1 (glyoxalase 1) oo shaqadiisu tahay inuu jidhka ka caawiyo inuu iska saaro sonkorta dhaawacantay ee la yidhaa MG (Methyglyoxal), kaasoo keena in sonkorta jidhka ku jirta macaan keento.