Qore: Mustafe Maxamed Nuur (Mustafe Dheereeye)

taliyefaysalxiis
Madaxda qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland loo igmado hoggaaminta amma u adeegida bulshadeennu waxay ku kala wacan yihiin qabashada hawlaha ay u hayaan ummadda.
Marka aynu ku noqono dhaqankeenna iyo sooyaalkeennii nololeed, waxaa lagu soo kala bixi jiray hawlkarnimada, xooolo ogaanta iyo saadaalinta hawlmaalmeedka markaas gacanta lagu hayo, iyadoo qofka kartidiisa iyo karti-daradiisa lagu ogaan jiray, laguna qiimayn jiray.
Dadka qaar waxay ku sifoobi jireen amma magacyo kula kala bixi jireen karti iyo masuuliyadda ay u hayaan ummadda iyo bulshada ay ku dhex noolyihiin.
Haddaba, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, xiliyada duhurka ee shaqaalaha iyo ardaydu soo rawaxaan, waxaa inta badan mashquul noqda isu-socodka gaadiidka, iyadoo jidadka iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada dhexmara ay noqdaan saxmad iyo cidhiidhi ay adag tahay in si dhibyar looga gudbo waddada.
In badan oo maalmaha toddobaadka ah, waxaannu ku hagaagaa meelaha ugu samxadda iyo buuqa badan ee waddooyinka caasimadda, kuwaasoo ay is xidhaan gaadiidka iyo dadkuba, waxaana yaraada in aad si dhib yar u socoto, iyadoo haddii aad gaadhi wadato kugu qaadanayso wakhti badan in aad gaadho halka aad u socoto.
Akhriste, waxaan arkaa masuulka xukuma Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka amma Taliyaha ciidanka Taraafiga oo kala hagaya gaadiidka maraya goobaha isgaysyada ah ee waddooyinka, kaasoo shaqo culus qabta waqtigada jidadku cidhiidhiga amma saxmadda yihiin.
Waxa aan inta badan la kulmaa Gaashaanle Dhexe Faysal Xiis Cilmi oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, kaasoo ku hawlan kala socodsiinta iyo kala hagista baabuurta amma gaadiidka, iyadoo masuulkani yahay ninka ugu sareeya ciidanka Taraafiga, isla markaana awood u leh intuu xafiiskiisa fadhiisto uu hawlaha shaqo u kala diro askarta amma saraakiisha ka hoosaysa, balse, waxa uu muujiyey karti dheeraad ah, isagoo hadh iyo habeenba la shaqeeya askarta waddooyinka.
Waxa jirta in aan had iyo jeer madaxda amma masuuliyiinta meel xukuma lagu arag suuqa, balse Taliye Faysal Xiis wuu ka duman yahay masuuliyiintaas, waxaannu si xilkasnimo ah ugu adeega qaranka Somaliland, waxaanan qirayaa inuu yahay nin ka soo baxay shaqada loo igmaday oo weliba dheeraad muujiyey, maadaama la arko isagoo baabuurka ku kala hagaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Hargeysa.
Waxa aan nasiib u helay in aan sawirro kala duwan ka qaado Taliye Faysal Xiis oo ku shaqo culus ka hayey jidka weyn ee hor mara Khayriyada Hargeysa, waxaanan meher ganacsi oo halkaas ku taal kula kulmay nin la yidhaa Foosi Wadaad-yare, kaasoo ii sheegay inuu maalin walba arko Taliye Faysal Xiis oo shaqada la wadaagaya hawlwadeennada ka hooseeya, waxa kaloo uu ii sheegay in taliyuhu maalin kasta ka odayeeyo amma dhexdhexaadiyo dadka isku khilaafa goobaha uu ka shaqaynayo.
Geba gebadii, waxa aan leeyahay, soona jeedinayaa in masuulkan mudan yahay dhiirigelin iyo mahadnaq uu ka kasbaday dalka iyo dadkiisa uu sida daacadda ah ugu shaqeeyo, waxaanan madaxda qaranka xasuusin lahaa in la abaalmariyo muwaadinka sida fiican uga soo baxa xilka loogu dhiibo qaranka Somaliland.
Mustafe Maxamed Nuur (Mustafe Dheereeye)