Araweelo News Network

TunisiaHargeysa(ANN)Madaxweynaha dalka Tansaniya Mr. John Magufuli, ayaa shaqada ka eryey Wasiirkiisii Daakhiliga oo sakhraamay, baarlamaankuna ku eedeeyeen inuu ceeb ku yahay dawladda, xilkana laga qaado, sida uu sheegay Ra’iisal-wasaare Kassim Majaliwa maalintii Sabtida ee toddobaadkan.
“Madaxweynuhu waxa uu xilka kala noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Charles Kitwanga, kadib markii laga soo gudbiyey warbixin barlamaanku ku sheegeen inuu ku guul-darraystay inuu si fiican uga jawaabo su’aalaha. Wasiirrada iyo saraakiisha dawladdu waa in ay la yimaaddaan sharaf iyo karaamo,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Majaliwa oo la hadlayey Wakaaladda Wararka Dawladda ee TBC (Tanzania Broadcasting Corporation) oo Jamhuuriya soo xigtay.
Madaxweynaha Tansaaniya iyo Ra’iisal-wasaarahiisa ayaa intii ay xilka qabteen yareeyey kharashaadka dawladda ee macno-darrada ku bixi jiray, iyagoo xakameeyey dhaqanno xun oo wasiirrada iyo saraakiisha dawladdu ku dhaqmi jireen oo musuqmaasuqu ugu horreeyo, halka uu joojiyey kharashaad ku bixi jiray dabbaaldegga maalinta madaxbannaanida, waxaannu dhawaan amray in la baadho shaqaale badan oo la caaglaysto oo ku jira mushaharka dawladda.