Magacyada Bilaha Af-ingiriisiga Iyo Halka Ay Ka Soo Jeedaan
By, Abdirashid Ali Aw Yusuf Matttah.
Bilaha sanadka miiladiga ah 10 bilood oo kamid ah ayaa magacyo lahaa kuwaa oo kala ah(Martius “March”, Aprilis “April”, Maius “May”, Junius “June”, Quintilis “July”, Sextilis “August”, September “September”, October “October”, November “November”, December “December”), hadaba mudo kadib Boqorkii labaad ee Romaanka Numa Pompilius kaa oo talada hayey taariikhda miilaadiga markay ahayd 700 BC uu u magac-bixiyey labada bilood ee Januarius “January” iyo Februarius “February”, sidoo kale bisha sanadku ka bilaabmayo waxuu ka dhigay Januarius, hadaba hadii aynu sii guda galno magacyada bilaha waxa ay u dhiganyihiin sidan soo socota.
January:
January waa bisha koowaad ee sanadka Miilaadiga ah, magaceeduna waxa uu ka soo jeedaa Af-ingiriisigii hore “Janus’s Month” oo macneheedu yahay bishii Janus iyo Af-laatiinkii hore oo ah “Januarius Mensis”, magaca Janus ee bisha magaceedu ka soo jeedaa waa ilaah kamid ah ilaahyadii ay caabudi jireen Romaaniyiintii hore kaas oo ah ilaaha albaabada, waxayna aaminsanaayeen inuu leeyahay labo weji oo labada dhinac ukala jeeda, waxayna u dabaal-degijireen bisha January taas oo markii hore kudhamaan jirtey 29 maalmood, lakiin mudo kadib waxaa bedeley boqorkii Roomaanka ee Julius isagoo ka dhigay 31 maalmood.
February:
February waa bisha labaad ee sanadka Miilaadiga magaceeduna waa “Februarius” Af-ingiriisigii dhexe iyo Af-latiinigii hore oo ah “Februa” macneheeduna waa maalintii isdaahirinta, wixii ka horeeyey 450 BC bishani waxay ku dhamaanjirtey 28 maalmood, markalena 23 maalmood ama 24 maalmood markii sanad la dhaafoba, hadaba taariikhda aynu soo sheegnay ka dib waxaa waxka bedel ku sameeyey tirada maalmaha ee bishan boqorkii Romaanka ee Julius isagoo ka dhigay 29 maalmood afartii sanoba inta kalena 28 maalmood.

March:
March waa bisha sadexaad ee sanadka Miilaadiga ah, Af-ingiirisigii hore waxaa lagu odhanjirey “Martius” iyo Af-latiiniga oo la odhanjirey “Martius Mensis” oo macneheedu yahay bishii Mars, magaca Mars waa xidig ay ilaah ka dhiganjireen Romaaniyiintii hore kaa oo ay u yaqaaneen ilaaha dagaalka. Bishani waxay ahayd bishii uu ka bilaabmijirey sanadkii Roomaankii intii aanu bedelin boqorkii labaad ee Numa Pompilius, waxayna bishani ku dhamaanjirtey markasta 31 maalmood.

April:
April waa bisha afraad ee sanadaka Miilaadiga, Af-laatinigii hore magaceedu waa “Aprilis” waxayna ka soo jeedaa Giriigii hore oo u yaqaaney “Apru” oo ah Aphrodite waana midkamid ah ilaahyadii ay caabudijireen Giriigu oo ay u yaqaaneen ilaahada jacaylka iyo quruxda waana xidigta ay Roomaanku u yaqaaneen Venus. April waxa ay ku dhamaanjirtey 29 maalmood ilaa uu ka bedeley boqorkii Roomaanka ee Julius kaa oo ka dhigay 30 maalmood.

May:
May waa bisha shanaad ee sanadka Miilaadiga Af-laatiinka waxa loogu yaqiiney “Maius Mensis” oo macneheedu yahay bishii Maia magacan oo Romaanku u isticmaalijireen ilaahada xiliga guga oo ahaa inanta Faunus iyo xaaska Vulcan kuwaa oo ahaa ilaahyadii ay caabudijireen Roomaanku.
June:
June waa bisha lixaad ee sanadka Miilaadiga Af-laatinka waxa loo yaqiiney “Junius Mensis” oo ah bishii Juno waa xidig ay caabudijireen Roomaanku macneheeduna waa ilaahada guurka iyo wanaaga dumarka, waxayna ugu abtirinjireen walaasha iyo xaaska xidiga Jubiter. Bishani waxa ay ku dhamaan jirtey 29 maalmood ilaa uu ka bedeley boqorkii Julius oo uu kadhigay 30 maalmood.

July:
July waa bisha todobaad ee sanadka Miiladiga Af-laatiiniga waxa lagu odhanjirey “Julius Mensis” oo macneheedu yahay bishii Julius Caesar oo ahaa ninkii Jidwalka bilaha sanadka Roomaanka dib uhabeeyey bishana magaciisa u bixiyey.

August:
August waa bisha sideedaad ee sanadka Miiladiga, Af-latiiniga waxay ku tahay “Augustus Mensis” macneheeduna waa bishii Augustus waxana isugu magacdaray boqorkii Roomaanka ee Augustus Caesar waxuu ahaa ninkii sii horumariyey Calendarka Roomaanka Julius Caesar kadib. Hadaba bishan waxay ku dhamaan jirtey 30 maalmood marna 29 maalmood ilaa uu Augustus Caesar ka dhigay 31 maalmood.

September:
September waa bisha sagaalaad ee sanadka Miilaadiga, macnaha magaceedu waxa uu ka soo jeedaa Af-laatiiniga waana “Septem Mensis” oo ah bishii todobaad, waxay bishani ku dhamaanjirtey 29 maalmood ilaa uu Julius ka dhigay 30 maalmood.

October:
October waa bisha tobanaad ee sanadka Miilaadiga, magaceeduna waxa uu ka yimi Af-laatiniga oo ah “Octo” macneheeduna yahay sideed “bisha sideedaad”, waxay ku dhaaman jirtey 31 maalmood.

November:
November waa bisha kow-iyo-tobanaad ee sanadka Miilaadiga, magaceedu waxa uu ka soo jeedaa Af-latiiniga oo ah “Novembris” macneheeduna yahay sagaal una dhigan bisha sagaalaad. Bishani waxa ay ku dhamaanjirtey 29 maalmood ilaa uu Julius ka dhigay 30 maalmood.

December:
December waa bisha laba-iyo-tobanaad ee sanadka Miilaadiga, magaceedu waxa uu ka soo jeedaa “Decem” oo ah Af-laatiini macneheeduna yahay toban una dhiganta bisha tobnaad. Hadaba bishani waxa ay ku dhamaan jirtey 30 maalmood iyo 29 maalmood ilaa uu Julius ka dhigay 31 maalmood.

La soco qayb kale oo la xidhiidha Jidwalka Bilaha Miilaadiga iyo Meesha Uu Ka Soo Jeedo

By, Abdirashid Ali Aw Yusuf Mattah
Email: sabriin@gmail.com