Araweelo News Network

gabadhaGabadh 16 jir ah oo magaceedu yahay Thessalonika ARzu-Embry, asal ahaanna Afrika ka soo jeeda, ayaa noqotay mid garaadka amma heerka caqligeedu (IQ) aad uga sarreeyo sanisyahanno waaweyn oo dunida soo maray, iyadoo hadda shahaadada labaad ee Master ka dhamaynaysa jaamacadda.
Gabadhan yar ayaa 14 jirkeedii dhammaysatay shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor Degree), waxaanay dhawaan qaadanaysaa shahaadada labaad, iyadoo ku hamiyeysa haddii Alle yidhaa in ay qaadato shahaadada dhakhtaraydka.
Hooyada gabadhan yar ayaa sheegtay in inanteedu aad u jeclayad waxbarashada markii ay carruurta ahayd, kuna bilawday waqti ay aad u yarayd, gaar ahaan waxay xustay in 6 jirkeedii ay akhriyi jirtay buuggaagta loogu talagalay ardayda kulliyadda ku jirta si fiicana ay u fahmi jirtay.
Mss. Thessalonika ARzu-Embry waxa waxbarashada u bilaabay hooyadeed, maadaama dugsiyada ay tegta u sheegaan in ay ka garaad sarrayso ardayda, laakiin hooyada dhashay ayaa xaqiiqsatay in ay u baahan tahay aqoon dheeraad ah oo guriga ka baxsan, sidaa darteed waxa ay ku dartay kuleej waxbarasho.
Kadib markii ay macallimiinta iyo qof kasta oo la kulma ka yaabeen maskaxdeeda ayaa la cabbiray garaadkeeda (IQ), waxaannu noqday 199 dhibcood, taasoo macnaheedu yahay in ay 30 dhibcood ka sarraysay saynisyahanno ka mid yihiin Stephen Hawking iyo Albert Einsten oo labadooduba lagu tiriyo inay aad u garaad sarreeyeen dadka caadiga ah.
Thessalonika waxa ay gashay kuleejka Lake County, iyadoo uga sii gudubtay Jaamacadda Chicago University ee dalka Maraykanka, aakhirkiina waxay gashay Thomas State College oo ay shahaadada digriiga kaga diyaarisay cilmi-nafsiga.
Waxa ay iska diiwaangelisay Jaamacadda Regent University oo ay online iyo fasal ahaanba ka dhigan jirtay, waxaanay xaggaaga soo socda dhammaysan doontaa shahaadada derejada labaad (Master) ee jaamacadda oo ay u diyaarinayso hoggaaminta ururrada iyo qorshe diyaarinta fog. Waxa ay sheegtay in aanay halkaas ku joogsanayn, balse ay cilmi-nafsiga shahaadada dhaktoraydka (Phd) ku diyaarin doonto.
Waxa ay ku kortay xero ciidan, maadaama aabbaheed ka mid ahaa, hase ahaatee iyadu waxa ay ku rajo weyn tahay in ay shirkad duulimaadyada (Aviation company) ah ka shaqayso, isla markaana duulliyayaasha ka caawiso in ay cilmi-nafsi ku daawayso, haddii mushaakilaad la soo darsaan.
Gabadhan 16 jirka ah waxay leedahay buuggaag ay daabacday oo saddex ah oo ka mid yihiin buug la yidhaa “Jumb the Education Barrier” waana buug ubadka ka caawinaaya in ay waxxbarashada ku guulaystaan, si degdeg ahna wax ku bartaan.
Buug kale lagu magacaabp “In the Future” waa hage ganacsi oo dadka ganacsiga leh ka caawiya sida ay ganacsigooda u wadan karaan. Waa gabadh yar oo yaraan ku guulaysatay shaqooyin aad u fiicana dunida ku soo kordhisay oo buuggaagteedu ugu horreeyaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380