Araweelo News Network

Ambassadorkaysariyodhlinyaradii badbaadayHargeysa(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay magacyada muwaaddiniin tiradoodu dhan tahay sagaal qof oo ka mid ah dadka ka badbaaday doontii tahriibayaasha badan ku geeriyoodeen ee ka baxday dalka Masar horraantii bishan April 2016.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Giriigga oo ku yaal koonfurta bari ee qaaradda Yurub, halkaasoo lagu hayo dadka ka badbaaday doontii ku degtay Badweynta Midetarenian-ka, kuwaasoo ay ku jiraan 9 qof oo reer Somaliland.
Sidaa waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland xalay, kaasoo u qornaa sidan:
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ka duulaysa masuuliyadda ka saaran muwaaddiniinteeda meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, isla markaana gudanaysa waajibka ka saaran muwaaddiniintii Somaliland u dhashay ee dhibaatadu ka soo gaadhay doonnidii ka soo baxday dalka Masar ee ku qarraqantay Badweynta Mediteranean-ka, waxa ay xukuumadu u dirtay dalka Giriigga Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, waxaannu la kulmay dadka ka badbaaday doonidaas oo tiradooda guud tahay 41 qof oo isugu jira dad u dhashay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Xukuumadda Somaliland waxay halkan ku xaqiijinaysaa in dadka Somaliland u dhashay ee shilka doonnidaas ka badbaaday ay yihiin sagaal qof oo kaliya oo kala ah;
1. Cabdixakiim Xariir Cali oo hooyadii la yidhaa Hodan Xasan
2. Samatar Cilmi Cabdillaahi oo hooyadii tahay Xamda Xuseen Cawaale
3. Muxuyadiin Xuseen Cali-waash oo hooyadii tahay Hinda Faarax
4. Cabdixakiim Abokor Diiriye oo hooyadii tahay Xalwo Barre Xuseen
5. Khaalid Cumar Dooddi oo hooyadii tahay Nimco Xasan Yuusuf
6. Xamda Daahir Yuusuf oo hooyadeed tahay Canab Caydiid
7. Najax Xuseen Maxamed, magaca hooyadu waa Aamina Cabdi
8. Liibaan Khadar Jaamac oo hooyadii tahay Shaadiya Haaruun
9. Axmed Farxaan Xasan oo hooyadii tahay Safiya Cabdi Digaale.
 Sagaalkaas qof ee reer Somaliland ee doonnida ka badbaaday way nabad-qabaan, waxayna imminka ku sugan yihiin caasimadda dalka Giriigga ee Athens.
Waxa doonnidan ku dhintay dad aad u tiro badan oo Somaliland u dhashay iyo kuwo aan u dhalan oo aan magacyadooda si rasmi ah weli loo helin, balse ay xukuumaddu dedaal weyn ugu jirto in la helo, kuna hawlanyahay Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Somaliland oo hadda ku sugan dalka Giriigga,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay xukuumadda Somaliland.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380