Araweelo News Network
daraasadacaruurtadunidaNew York(ANN)Ku dhawaad 75 milyan oo carruur ah oo dalalkooda ay haleeleen dagaallo iyo masiibooyin dabiici ah, ayaa waqtigan si weyn ugu baahan waxbarasho iyo in loo sameeyo dugsiyo.
Sida ay shaacisay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, rubuc ka mid ah carruurta da’da dugsiyada gaadhay amma 462 milyan carruur ah oo ku nool waddamada dagaallada iyo masiibooyinku ku habsadeen, ayaa u baahan gargaar waxbarasho, waxaanay xustay in 2% gargaarka ban’aadamino ee adduunka laga wado loo qoondeeyey ubadkaas.
Qarammada Midoobay waxa ay sheegtay in aan la sugi karin in dakhli loo helo waxbarashada, waxaanay ballanqaadday in arrintan lagu soo bandhigi doono shir gargaarka bani’aadaminnimada lagaga hadlayo ee lagu qaban doono dalka Turkiga bishan lagu jiro ee May.
Shirkan waxa loogu talagalay in lagu ururiyo lacag dhan $4 bilyan si waxbarasho loogu helo 13.6 milyan carruur ah muddo shan sanno ah, halka la rajaynayo in 75 milyan oo carruur ah waxbarasho la gaadhsiiyo sannadka 2030, haddii Ilaahay yidhaa.
“Waxbarashadu nolosha waxbay ka beddeshaa. In ubadku dugsiga tagaan waxa ay ka ilaalisaa in xad-gudub loo gaysto, sida in ay ku dhacaan gacanta dadka ka ganacsada jidhka bani’aadamka (Human Traffickers) amma in ciidan laga dhigo. In ubadka wax la gashadaa waa mustaqbalka bulshada. Waxa bulshada caalamku muhiimada siinayso waa tacliinta oo ah waxyaabaha daruuriga u ah bani’aadamka,” ayey tidhi Josephine Bourne oo ah Madaxa Tacliinta ee = UNICEF.
Dalka Suuriya oo kaliya in ka badan 6 kun oo ubad ah ayaa dugsigoodii ka cararay markii la weeraray amma millaterigu qabsaday hoyga ay deggenaayeen. Dalka Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika rubuc ka mid ah dugsiyada waxbarashadu ma shaqeeyaan.