Araweelo News Network

wiilkakudhashayqaarkasareWiil da’diisu tahay 14 sanno jir oo u dhashay dalka Qatar, ayaa ifka yimmi isagoo jidhkiisu yahay qaar ka sare oo kaliya (wixii ka sareeya xundhurta), isla markaana ka maqan yihiin xubno muhiim ah oo labada luguud ku jiraan.
Inankan yar oo la yidhaah Ghanim Al Muftah, ayaa muujiyey in aan xubnaha ka maqan qofku ka hor istaagi karin farxadda iyo nolosha, kadib markii uu iska soo duubay muuqaal uu la ciyaarayo carruur da’diisa ah, isagoo xataa koraya buuro.
Hooyada dhashay wiilkan oo hore saxaafadda ula hadashay, ayaa sheegtay in aanay iska soo ridin ilmaheeda, kadib markii dhakhaatiirtu u sheegeen in mataano ay caloosha ku sido ay mid ka mid ah xubno jidhkiisa ah ka maqan yihiin, balse, waxa ay markan dad ka badan 900,000 (sagaal boqol oo kun) oo ugu jira barta ay ku leedahay mareegta bulshadu ku wada xidhiidho ee Istagram la wadaagtay wiilkan oo sariirtiisa ka boodboodaya iyo waliba isagoo isticmaalaya xirfadaha uu ku lugeeyo ee uu hawlihiisa ku qabsado.
Waxaannu muuqaalka wiilkan yar soo jiitay kumanaan kun oo qof oo isticmaala baraha bulshada, kadib markii uu la wadaagay isagoo isticmaalaya qalabka buuraha lagu fuulo ee dadka buuro korka ah kaga boodaan buuraha, gaar ahaan buurta Jebel Sham oo ku taal dalka Cumaan, kana mid ah buuraha ugu dhaadheer dalalka Carabta, halka uu sidoo kale ku dul ciyaarayey buurtan oo 10 km isu jirta, taasina waxay keentay inuu sannadkii hore ku guulaysto Ablaamarinta Imaaraadka Carabtu siiyo dadka dhiirigelinta ka sameeya baraha bulshada (Arab Youth Pioneer on Social Media).
Wiilkan yar waxa kaloo uu leeyahay hay’ad dadka laxaadka la’ ku caawisa kuraasta ay ku socdaan, waxaannu qoray buug ka warramaya khibradiisa nololeed.
“Waxa jira dad aan waxba qaban karin. Al xamdulilaah, waan dabaalan karaa, waan boodi karaa. Waan faraxsanahay, waxaan rabana waan qabsan karaa,” ayuu yidhi Muftah oo warraysi siiyey warbaahinta dhawaan.