Araweelo News Network

kulanheshiiskaHargeysa (ANN)Kulan lagu falanqeeyey faa’iidooyinka ku jira heshiiska dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, kaasoo lagu marti-qaaday hal-doorka ganacsatada Somaliland shalay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada xalay, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka dhexmaray xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo ganacsatada dalka Somaliland.
“Kulankan waxa uu isu keenay markii ugu horaysay hal-doorka ganacsatada dalka oo ilaa dhawr iyo labaatan xubnood ahaa iyo xubnaha guddiga wasiirrada ee qaybta ka ahaa heshiiska dhexmaray labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Ugu horeyn, waxa halkaas ereyo uu ku caddeynayo ujeedada kulanka ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxannu yidhi; “waxan idiinku yeedhnay inaan faahfaahin idinka siinno, haddii aad tihiin ganacsatada dalka, heshiiska inna dhexmaray Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxanan is nidhi intii ay hadallo laga yaabo inaanay sax ahayn ay ka maqli lahaayeen meelahaasi, xogta heshiiskaas ha ka helaan afka odayaasha (Min afwaahil mashaa’iikh).
Intaa ka dib, waxa uu hadalkii ku wareejiyey Wasiirka Khaarijiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo isaguna si nuxur leh uga hadlay heshiiska, waxaannu ka sheekeeyey taariikhda dekedda Berbera iyo sida Ruushka iyo Maraykanku ugu kala dambeeyeen dhismeheeda muddo laga joogo dhawr iyo afartan sanno, iyo dhawr iyo soddan sanno, iyagoo lahaa labaduba ujeeddo millateri.
Wasiir Sacad oo ah ninka saxeexay heshiiska, isagoo ka mid ahaa wefdigii madaxweynaha ee heshiiska magaca dawladda iyo ka ummadda ku soo galay, ayaa tibaaxay in heshiiskan hadda hordhac ahaan loo sexeexay, imikana in si rasmi ah isagoo faahfaahsan loo saxeexo ay gacanta ku hayaan garyaqaanno caalami ah oo ay dirsatay Somaliland.
“Waxa aannu garyaqaanada u diranay in la qoro heshiis aan marnaba la inagaga gacan sarreyn, la innagu degin odhaahyada ku qoran, oo ku salaysan shuruuc caalamku isla yaqaan oo hadhow haddii khilaaf yimaaddana lagu saleeyo shuruucda. Maxaa lagu heshiiyey IWM. Waana garyaqaano caalami ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.
Waxa kaloo uu xisaab ahaan u sharaxay in aan shirkadda DP World ee reer Dubai aanay innaga badsanayn faa’iidada laga helayo shaqada dekedda ee lagu heshiiyey. Waxannu midh midh u tiriyey faa’iidooyinka dal ahaan iyo dad ahaanba Somaliland ugu jira heshiiska.
Hadal taabtay ganacsatada kulanka ka qaybgalay ayuu Wasiirka Khaarajigu ku yidhi; “Waxan kala hadalnay DP World dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale, waxanay reer Imaaraad noo sheegeen inay fahansan yihiin in ceelka laga cabbo ee loo arooraa haddii aannu lahayn jid loo maro ay dhib tahay in la helo biyo la cabbo, annagoo taasi garawsanna waxa naga go’an meel aan ka keennaba in aan hantida lagu maalgeliyo jidkaasi aan keenno.”
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamed Xaashi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday in aan la sii eegan karin in dekedda Berbera sii ahaato sida ay hadda tahay, xilli dekeddihii mandaqadda ee ay iyagu ka horreysay, kana caansanayd loo arrimiyey, lana tayeynayo.
“Dekedaha Jeddah (Sucuudiga), Salaala (Cuman), Jabuuti, Casab (Eratariya) iyo kuwa ku yaal dhulkii aynu Soomaaliya isku ahaynba waa dekeddo aynu rabno in Berbera ay la tartanto, markaa haddii iyaga la horumariyo, Berberana sideedii hore ahaato, sow laga guuri mayo teenna,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in cadawga Somaliland ka xumaaday heshiiska ay la galeen dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ku hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen wax kasta oo keenaya in heshiiskaasi dhicisoobo.
Ganacsatada kulankaas ka qaybgalay, ayaa xubnaha wasiirrada ah weydiiyey su’aalo la xidhiidha heshiiska maalgashiga dekedda Berbera oo ay ku muujiyeen in laga shaki saaro waxyaabaha ay tuhunka ka qabaan ee khuseeya heshiiska.
Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah xubnaha wasiirrada ah ee ka jawaabay su’aalaha ganacsatadu weydiiyeen, ayaa tidhi; “Annigu shakigiinan oo kale ayaan qabay, su’aalahan aad na waydiiseen oo kale ayaan is waydiinayey, annigoo weftiga madaxweynaha Somaliland ee Dubai ku biiray labadii maalmood ee ugu dambeeyey ee heshiiska. Waxan ka dib la sheekaystay garyaqaan ka mid ah kuwa inoo shaqaynaya ee dhinaceena qareenada u ah.
Su’aal kasta oo aan waydiiyey, lana xidhiidha heshiiskan wuu iga qanciyey. Sidaa awgeed, waxan idinku dejinayaa in labadan dhinac ee heshiiska wada galay ka faa’iideen haddii dhinac badsanayana ay tahay innaga.”
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ka mid ah guddida wasiirrada ee heshiiska dekedda Berbera, kana mid ahaa weftigii madaxweynaha Somaliland ee heshiiska saxeexay, ayaa dhextaal ahaan hadalada ugu darsanayey, isagoo marna su’aalihii ganacsatada ka jawaabayey, marna xoojinayey jawaabaha wasiirrada kale, nuxurka hadalkiisuna ahaa in faa’iido laga kasbanayo heshiiskan maalgashiga dekedda Berbera.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo ka mid ah guddida xukuumadda ee heshiiska oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in heshiiskan kobcinayo ganacsiga, maalgashiga dalka, ganacsatada iyo dhaqaalahaba Somaliland.
Kulankan ayaa noqday mid ku dhammaaday is afgarad, iyagoo xubno ku hadlay afka ganacsatadu ay halkaa ka caddeeyeen inay soo dhawaynayaan heshiiska lagu maalgelinayo dekedda Berbera, kuna farxeen, isla markaana taageeri doonaan sidii uu u dhaqan geli lahaa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.