Qalinkii: Mohamed Gacayte

Dal waxaan ku noolahay
Saddexdii dalaaqood
Lagu furay dadnimadii
—Maansadii Daba-taxan….Abwan Gaariye A.H.N
Maalgashi lagu sameeyo Dekedda Berbera iyo Dekedaha kale ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahayba waan soo dhowaynayaa, laakiin waa in maalgashigu noqdaa mid isku dheeli tiran oo dalka, dadka iyo maalgashadayaashaba midna aan lagu duudsiyin xuquuqdiisa, waxaynu wada ognahay heshiiska hordhaca ah ee ay wada saxeexdeen Shirkadda DP World iyo Somaliland, kaas oo bulshada reer Somaliland ka bixisay dareeno badan oo sheegaya kalsoonida laga qabo in heshiiskaas noqdo mid guul laga gaadho.
Maalgashiga caalamiga ah wuxuu leeyahay hab iyo hannaan la raaco oo labada dhinac ee wax kala saxeexanayaa uu mid walba la yimaado qorshaha uu wax ku doonayo, heshiisyadaasina inta badan waxay maraan saddex marlaxaladood oo kala ah; 1. Term Sheet 2. Memorandum of Understanding (MoU) 3. Contract Agreement.
Waxa muuqata in heshiiskani marayo wejiga labaad ee la yidhaahdo MOU oo ah halka ugu muhiimsan ee ay ka wada doodi karaan dhinacyadu wax-ka-beddelna lagu samayn karo, iyadoo la adeegsanayo khubaro aqoon iyo waayo-aragnimo u leh amma sharciyaqaano caalamiya oo kaala taliya qodobada ugu muhiimsan, sida raasamaalka hantida maalgashiga iyo muddada qandaraaska (Capital Investment and Period of Contract.)
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad wuxuu inoo sheegay in Shirkad cusub la abuuri doono (Join Venture Company), oo ay wada yeelanayaan DP World iyo Berbera Port Authority, Raasamaalka Shirkadda cusub amma (capital investment) kuna yahay $442 milyan oo doollar, halka saamiga la kala yeelan doono yahay 65% oo ah DP World iyo 35% oo Somaliland yeelanayso, muddada mashruucuna dhan yahay 30 sanno.
Wasiirku waxa uu sheegay inaan dhinaca Somaliland lacag looga baahnayn, balse 35% qaybta laynaga rabo noqon doonto Hantida Dekedda oo lagu qiimeeyey $100 milyan iyo dheeraad, waa sida uu hadalka u dhigay wasiirku. Haddii loo beddelo saamiga boqolayda waxa ay noqonaysaa $135 milyan oo doollar, halka saamiga DP World noqonayo $307 milyan oo ah lacagta xaasilka ah ee lagu maalgalinayo dekedda Berbera.
Qiimaha ay Inagu Joogto Dekedda Berbera Waa…!
Inta badan marka la samaynayo maalgashiyada noocan oo kale ah waa muhiim ah in qiimayn lagu sameeyo hantida taala, haddaba, dhaqaalaha ay Dekedda Berbera soo saarto sannadkii waxa lagu qiyaasay $130 ilaa $150 milyan oo doollar, marka aad ku dhufuto 10 sanno, waxa kuu soo baxaya qiimaha saxda ah ee ay innagu joogto maanta oo noqonaya $1.3 bilyan ilaa $1.5 bilyan oo doollar. Dhaqaale ahaan Dekedda Berbera waxay innagu joogtaa $1.5 bilyan, halka imika ay xukuumaddu ku qiimaysay $100 milyan iyo dheeraad, halkaas waxaad ka arkaysaa farqiga u dhexeeya in mashruucan yahay Under Capital oo ah in lagu qiimeeyay wax ka hooseeya inta ay sannadkii soo saarto.
Haddaba, heshiis kasta oo xukuumaddu soo gasho waa in la horgeeyo Golaha Wakiillada, markaas ayuu sharci noqon amma sharci-darro, sidaas darteed, waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland inay xil wayn iska saaraan Heshiiskan Maalgashiga Berbera, in dib-u-eegis, kaabis iyo wax-ka-beddel ay ku sameeyaan, shacabku waxay isha ku hayaan tallaabada ay ka qaadi doonaan.
Waxaan ku soo koobayaa tix yar oo aan ku cabbiray aragtidayda oo ka hadlaysa xaalka xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa iyo dareenka shacabku ka qabaan waqti xaadirkan waxaanan idhi;
“Iyagoo dalkii boobay oo baabbah kaga yeelay
Oo dadkiina ay baahanyiin oo dulmigu baahay
Biyo la’aan iyagoo na dhigay bacadna aan joogno
Oo shicibku ay beddela leeyihiin bahalaha waashay
Reer KULMIYE inay isu bogeen beerka ka ogsooni”

Allaa Mahad Leh
Mohamed Gacate
Falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo bulshada
Gacayte09@gmail.com