Araweelo News Network

kubadakolaygaGobolka Daad-madheedh oo u soo Baxay Afar-dhammaadka Tartanka Kubadda Kolayga ee Gobollada Somaliland
Ciyaar ka tirsanayd Tartanka Ciyaaraha Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee 2016 oo aad u xiiso badnayd, waxay 06/November/2016 labada Gobol ee Maroodi-jeex vs Daad-madheedh ku dhexmartay Garoonka Timacade ee magaalada Hargeysa.

kolayga1

kubadakolayga
Ciyaartan oo ahayd mid xiisaheeda iyo xamaasadeedaba leh, waxay ku bilaabantay weerar iyo weerar-celis ay taageerayaasha labada Gobol uu mid kastaaba dhinacooda u muujinayey taageerada ay u hayaan ciyaartoygooda ku soo bandhigayeen sacab iyo heeso.
Isku soo duudooboo, ciyaarta afartii qeybood ee loogu talogalay ciyaarta waxay ku soo gabagabaysantay mid uu ku gacan sarreeyeen ay guushu ku raacay Gobolka Daad-madheedh oo keensaday 61 dhibcood, halka Gobolka Maroodi-jeex helay 49 dhibcnood oo sidaas kaga hadhay afar-dhammaadka
Tartanka Ciyaaraha Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee 2016.
Si kastaba ha ahaatee, waxa Hormada A oo hore uu uga soo baxay Gobolka Gabiley, waxa soo labeeyey Gobolka Daad-madheedh oo noqonaya labada Gobol ee gudba afar-dhammaadka Tartanka Ciyaaraha Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee 2016.

Ciyaaraha Caawa Dhacaya:
Gobollada Waqtiga
Gobolka Hawd vs Gobolka Saaxil 7:00pm
Gobolka Awdal vs Gobolka Sanaag 8:30pm