cabdiismacilxidhiidhkakubadaHargeysa(ANN) Mr. Cabdi Ismaaciil Maxamuud oo ka mid ah dadka dedaalka ugu jira horumarinta ciyaaraha kala duwan, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay jagada Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Jamhuuriyadda Somaliland.
Murrashax Cabdi Ismaaciil Maxamuud oo la hadlay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com shalay, ayaa sheegay inuu ka qaybgeli doono tartanka xilka Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland, waxaannu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inuu wax badan ka qabto marxaladda ay hadda marayso ciyaarta kubbadda cagta ee dalku, sidoo kalena uu ku hoggaamin doono xidhiidhka kubbadda cagta hiigsi iyo qorsheyaal horumar lagu gaadho.
“Aniga oo ah Cabdi Ismaaciil Maxamuud waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo inaan u tartamayo jagada Guddoomiyenimada Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland, kadib markii aan si taxadir leh u sameeyay cilmi-baadhis ku saleysan wada-tashi, iyo tixgelin badan oo iiga yimid bahda ciyaaraha. Waxaan dareemayaa inaan awoodo inaan qabto jagadaas, waxaan u arkaa waajibkayga inaan khibradayda iyo aqoontayda isticmaalo oo aan isku dayo inaan hoos-u-dhaca ku yimid kubbadda cagta aan meel sare gaadhsiiyo, haddii Alle igu guuleeyo inaan hoggaamiyo Xidhiidhka Kubbadda cagta Somaliland,” ayuu yidhi murrashax Cabdi Ismaaciil Maxamuud.
Waxaannu intaas ku darar; “Waxaan rajeynayaa in doorashaddu ay u dhacdo si caddaalad ah oo qurux badan, Waxaan ku faraxsanahay in Wasaaradda Ciyaaraha iyo xubnaha xidhiidhka kubbadda cagtu ay ballan-qaadaan inay dhex u yihiin dhammaanba murrashaxiinta tartamaya, taasi waxay anniga iyo cidkastaba ku abuuraysaa kalsooni iyo sinnaan. Waxaan ololaheyga ku casuumi doonaa qoyska kubbadda cagta Somaliland, sida, Xidhiidhka, tababareyaasha, kooxaha kubbadda cagta heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad, Saxaafadda iyo bahda ciyaaraha. Waxaan soo ban-dhigi doonaa ajandaheyga iyo qorsheyaashayda aan doonayo inaan ku hoggaamiyo xidhiidhka kubbadda cagta marka ay soo dhawaato wakhtiga doorashadu.”
Mr. Cabdi Ismaaciil ayaa 2003-dii ilaa 2007-dii wuxuu tababare-xigeen ka ahaa kooxda Small Health Star FC ee dalka UK. Hal-doorkan oo ah mulkiilaha garoomada Power League Stadium iyo Akademiga carruurta da’yarta, waxa sidoo kale uu yahay khabiir aqoon durugsan u leh habka doogga sanaaciga ah (Artificial Grass) loogu goglo garoomada kubbadda cagta, waxaana uu ka hawlgalay garoomo ku yaala gobollada dalka.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in doorashada xidhiidhka kubbadda cagtu ay dhici doonto 21-ka iyo 22-ka July ee sannadkan 2016, haddii Alle yidhaahdo, waana murrashaxii u horeeyay ee ilaa hadda si rasmi ah saxaafadda ugu shaaciyey inuu u taagan yahay jagada guddoomiyaha xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Jamhuuriyadda Somaliland.