axmedabdikahin
Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casoowe), ayaa sheegay in dib u dhac ku yimi tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland, isla markaana ay wasaarad ahaan mar kale muddo u cayimeen.

Wasiirku, wuxuu ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta u qabtay warbaahinta qaarkood, waxa uu sheegay in dib loo dhigay qaybtii hore ee is reeb-reebka tartanka Ciyaaraha gobolada, gaar ahaan Boorama iyo Burco oo lagu qaban lahaa tartankaa, isagoo ku sababaeeyay codsi maamulada labadaa gobol uga yimi.

Mr. Casoowe, wuxuu sheegay in 20 Sep 2015, hore loogu qorsheeyay, laakiin muddo toban maamlood ah lagu daray oo dib loo riixay, balse qaybtii Hargeysa lagu qabanayay Hargeysa in aan waxba iska bedelin oo la qabanayo Oct, 2015.

Wuxuuna ka dalbaday qurba jooga iyo ganacsatada inay kaalin ka qaataan sidii loo taageeri lahaa tartanka Ciyaaraha dalka.

Halkan ka daawo wasiirka Ciyaaraha oo shaacinaya dib u dhaca ku yimi tartanka Ciyaaraha qaybtii lagu qabanayay Burco iyo Boorama. Riix.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews