Araweelo News Networ

Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan

Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan

Hargeysa(ANN)Maxkamada Ciiddamada Milatariga ayaa maalintii shalay Xabsiga u taxaabtay Wariye Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan, oo ka mid ahaa Wargeyska madaxa banaan ee Saxafi iyo Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee Irin.

Wariye Maxamed Aamiin waxaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu joogay inuu dhageysto dacwad ka dhaxeysay walaashii iyo badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan.

Suxufi Ilyaas Cabdi Cali oo caawa Wariyaha ku Booqday saldhiga uu ku xidhanyahay ayaa waxaa uu u sheegay in loo adeegsanayo awood islamarkaana lagu xidhay sifo sharciga baalmarsan maadaama uu saldhiga u joogay dacwad.

” Waxaa xadhigayga amray nimanka Maxkamada Ciidamada qaranka ka tirsan iyo nin la yidhaahdo Dhagawayne oo ka shaqeeya xeer ilaalinta Gabiley”ayuu yidhi Maxamed Aamiin Cismaan oo u waramayay Wariye Ilyaas Cabdi Cali.
Waxaa uu wariye Maxamed Aamiin intaasu ku daray ” Waxaa lacag iyo awood ii adeegsanaya Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley, maxkamada Gabiley ayaa walaashey sii daysay awood sheegasho ayaa Hargeysa iyo maxkamada Ciidanka qaranka loogu soo wareejiyay Dacwada.”

Wariye Ilyaas Cabdi Cali oo saraakiisha Saldhiga dhexe isku dayay inuu waydiiyo xadhiga Suxufi Maxamed Aamiin Jibriil Cismaan cida ka dambeysay ee u xidhanyahay ayaa waxay u sheegeen inaanu u xidhnayn ciidamada Booliiska balse uu u xidhanyahay Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan iyo Maxkamada Ciidamada Qaranka oo u adeegsanayo masuulkaasi.