akhriskabugaagta

Dadka dunida caanka ka ah ee horumarka adduunyu ku tallaabsatay lacag ha heleen, magac ha yeesheen, aqoon ha kasbadeen amma dariiqyo kale guushoodu ha koobsatee waxa ay ka siman yihiin saddex caado oo dhaqannadooda haddii qofku kaga daydo laga yaabo inuu jidkooda raaco oo uu ka mid noqdo kuwa guulaysta.
Hab-dhaqanka 1aad: Noqo mid akhriska la saxiib ah:
Bill Gates oo ah ninka yagleelay, iskana leh shirkadda Windows iyo waliba hay’addo kale oo dunida caan ka ah, kana mid ah dadka dunida ugu hantida badan. Waxa dadka darsay ee noloshiisa baadhitaanka ku sameeyey daraasadahooda ku sheegaan inuu yahay nin aad u jecel akhriska, inta badan ee waqtigiisa uga hadhayna ku qaata akhriska buuggaagta uu jecel yahay.
Akhrinta buuggaagta waa wax qofku ku dhismo, kana helo aragtiyo badan oo kala duwan, waana habka kaliya ee qofku maskaxdiisa ku kobcin karo, ku baran karo shayo cusub, saxiibo cusub iyo waliba aftannimo uu dadka kale ku soo jiidan karo waqtiyada uu hawlmaalmeedkiisa wato.
Qofku si uu akhriska u badiyo ha ku dedaalo wuxuu xiisaynayo, haddii uu jecel yahay sheekooyinka mala’awaalka ah ha doonto buuggaagta ugu fiican ee qorayaasha ugu wanaagsan qoreen, hadduu qisooyinka jacaylka ah jecel yahayna iyaga laftooda ha doonto, waxa laga yaabaa in wax badan oo nolosha ka anfaca uu ka helo.
Bilawga hore qofka way ku adag tahay inuu akhriska la qabatimo, balse inta uu karo ha isku taxaluujiyo, maalinba maalinta ka dambaysana ha ka sii kordhiyo akhrinta sidaas buu dunida akhriska u dhex mushaaxi aakhirka.
Hab-dhaqanka 2aad: daacadnimo, qalbi-furnaan iyo hal-adayg:
Inta badan dadka dunidan majaraha u soo qabtay ee hoggaamiyey dad hadday dhinaca ganacsiga iyo siyaasaddaba noqoto waa kuwa daacadnimo, qalbi-furnaan iyo hal-adayg isku darsaday. Waxa ay badanaa daacad ka yihiin hawsha ay qabanayaan, waxaanay u qalbi furan yihin dadka ay la shaqaynayaan, halka ay ku hal-adag yihiin hawl kasta oo ay qabanayaan oo aanay niyad jabin haddii ay guuldarro dareemaan.
Dadka daacadda ah waxa lagu gartaa waxay jecel yihiin in ay arkaan qof kasta oo faraxsan oo aan marna murugo dareemayn, haddii qofku astaamahaas isku darsadana waxa dadka uu hoggaamiyaa jecel yihiin in ay dhegaystaan oo sidiisa oo kale noqdaan., kadibna wuxuu helaa dad sidiisa oo kale oo guusha la hinjiya. Qof kasta oo khiyaamo badan, isna waa la khiyaameeya waa hal-ku-dhig caalamiya.
Hab-dhaqanka 3aad: Hadal yari, balse soo jiita dareenka dadka
Dadka inta badan meelaha khudbadaha ka jeeda sida Seth Godin oo loo yaqaan inuu yahay in qoraa ah, masraxyadana dadka uga khudbadeeya, waa nin hadalkiisu faseex yahay, aan hadal badnayn, laakiin inta uu yidhaa ay aad u jeclaystaan dadku, dhegahoodana u dhigaan.
Xataa marka aad wax qorayso halkii aad 1500 dheeraad ka qori lahayd, waxa kaaga habboon inaad 300 kelmadood o nuxurku ku dhan yahay, dadkana ku soo jiidanayso aad qorto si aanad waqtiga uga lumin, qof kastaana u jeclaado inuu akhriyo waxa aad u soo gudbisay.
Haddaba, saddexdan astaamood waa kuwo ka muuqda inta badan dadka dunidan guudkeeda ku guulaystay ee aad loo jecel yahay in darriiqooda wanaagsan ee horumarineed la raaco.