Araweelo News Network

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar


Hargeysa (ANN) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa , ayaa si qoto dheer uga warramay doorkii hoggaamineed ee Nebi Muxamed (NNKH) u jeexay islaamka.
Sheekh Khaliil iyo Sheekh Dalmar oo khudbado ka jeediyey Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta oo ka socda caasimadda Hargeysa maalintii Arbacada, ayaa sheegay in hoggaamintii Nebi Muxamed (NNKH) ahayd mid dhammaystiran oo Ilaahay (SW) quraankiisa ku sheegay inay tahay mid ku dayasho sugan leh.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ugu horreyn ka hadlayey muhiimadda Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa u leeyahay dhallinyarada iyo guud ahaan dalka waxa uu yidhi; “Sannadkani waa sannadkii 9-aad Bandhigga Caalamig ah ee Buugta Hargeysa ku soo casuumo aqoonyahanka caalamka si uu da’yarta u tusaan in aqoontu tahay wax la qoro, isla markaana adduunka la tuso waxa qarankan Somaliland qabsaday, markaa waan u mahadcelinayaa Jaamac Muuse Jaamac iyo bahdiisa hawshaas adag ee ay wadaan.”
Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ka warramayey doorkii hoggaamineed ee Nebi Muxamed (NNKH) u jeexay dunida, waxa uu yidhi; “Nebi Muxamed (NNKH) naxariis ayuu ku hoggaamin jiray bulshada, sidoo kalena waxa uu ku hoggaamin jiray deganaan iyo akhlaaq. Mar waxa uu ahaa askari ciidan hoggaamiya, mar wuxuu ahaa waalid qoys hoggaamiya oo waad garanaysaan shaqadii u horreysay ee loo diray waxa ay ahayd adhi- raac oo innagu xoolo-dhaqato ayeynu nahay oo waynu dareemi karnaa doorka adhi-raacu ku leeyahay hoggaaminta, waana xayawaan doonaya in la isku wado oo qaarkood hadhayaan, dugaag cunana u nugul, iyada oo aannu jirin nebi dunida soo maray oo aan adhi loo dirin, markaa waxa aynu odhan karnaa mar haddaynu nahay xoolo-dhaqato waxa aynu haynaa dhaxalkii Nebiga (NNKH).”
“Cidda aad raacayso hadaf ayaad ku raacaysaa, iyada oo hoggaamiye ahaan lagaaga baahan yahay inaad hadaf yeelato oo meel aad dadka u kaxaynaysaa jirto, waxaannu Nebigu (NNKH) ka soo dhex baxay ummad aan wax qorin, waxna akhriyin, lahayna dhaqaale iyo hanti buuran oo dunida ku maamulaan, waxaannu Nebigu (NNKH) 50 sanno ku gaadhsiiyey ummaddii horumar dunida oo dhan hoggaamintiisu gaadhay, waxana marka laga tago Muslimiinta ilaa xataa gaalada qaarkood ka qoreen buug ay ku qirayaan hoggaamintiisa iyo saamayntii uu adduunka ku lahaa, iyagoon Nebinimadiisa qirsanayn, halka qorayaasha qaarkood qoray hoggaamiyeyaashii dunida ugu saamaynta badnaa ee soo mara ay mar kasta ka dhigaan ka koowaad,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wasiirka ka hadlayey heerka bulshada ee hoggaamiyaha iyo la hoggaaminta waxa uu intaa sii raaciyey, “Culimadu waxay sheegaan marka ay hoggaaminta iyo bulshada ka hadlayaan in 1% hoggaamintu tahay wax loo dhasho, halka 1% in dadku la hoggaamiyo u dhashaan, balse 98% kale la barto hoggaaminta, iyadoo marka aad doonayso inaad hoggaamiye noqoto muhiim tahay inaad hadaf leedahay oo aad maamul-wanaagga taqaan, sidoo kale inaad dadka la xidhiidhi karto, waxana muhiim ah inaad dadka dhaqaajiso adiga oo adeegsanaya qalab mafaatiixda dadka ah oo dadka qaar ayaa ah mafaatiixda khayrka, ahna qufulka sharka, halka dadka qaarna yihiin mafaatiixda sharka iyo qufulka khayrka, waxaanu nabigu (NNKH) inoo sheegay in ay jiraan dad khayrkana fura, sharkana xidha.”
Waxa kaloo Wasiirku tilmaamay in hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu garto qof kasta iyo waxa kala gudboon ama uu ku qancin karo, “Dadka aad hoggaaminayso waa inaad garato qof kasta waxa aad ku qancin karto oo dadka aad hoggaaminayso qaarbaa kharash kaaga baahan oo aanad hoggaamin karayn la’aantii, isla markaana nusqaan noqonaysa oo haddii aynu tusaale u soo qaadanno Nebiga (NNKH) ayaa beri nin u yimid markaasuu yidhi dhaqaale i sii, markaasuu siiyey, hadana wuu u yimi oo wuu ka dalbaday, waannu siiyey, mar saddexaad ayuu u yimi oo ka dalbaday, waannu siiyey dhawr jeer. Markuu ninkii ku soo noqnoqday ee Nabigu siiyey ayuu markii dambe ee uu ka dhammaaday ayuu u yimid oo uu ka waayey, waxaanu Nebigu (NNKH) yidhi, ‘haddii aan hayn lahaa waan siin lahaa, waayo marka aad hoggaamiye tahay qofbaa ammaan kaa doonaya oo aad ku maamuli kartaa, dadka qaar ayaad ku hoggaamin kartaa awood iyo adiga oo ka cabsiiya, dadka qaar baad ku dhaqaysaa inaad wax u ballanqaaddo.”
Sidoo kale, Sheekh Khaliil ayaa khudbaddiisa ku sheegay in hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu yeesho koox la shaqaysa oo kala shaqaysa hirgalinta, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Marka aad hoggaamiye tahay waxa loo baahan yahay inaad yeelato kooxdii kula hirgalin lahayd ujeeddaada ama hadafkaaga, waxaannu Nebigu (NNKH) lahaa asxaabtiisa oo la hirgalinaysay hadafkiisa diinta Islaamka iyo hagaajinta bulshada, waxana si gaar ah la-taliyeyaal ula ahaa Abubakar Sadiiq (RC) oo markasta xaga deggan talada ka eegi jiray iyo Cumar Binu Khadaab (RC) oo mar kasta halka adag talada ka eegi jiray, markaa taasi waxay ina tusaysaa sida looga baahan yahay inaad la-taliyeyaal dhinacyo kala duwan u baahan tahay. Sidoo kale, waa inay la-taliyayaashaadu noqdaan dad maal, caqli iyo talo kula barbar taagan, waxa Nebiga (NNKH) laga bartay inuu yool leeyahay oo akhlaaq iyo wanaag leh.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ka hadlayey doorka hoggaamiyaha xun bulshada ku yeesho, waxa uu yidhi; “Haddii bulshadu na hoggaami ku tidhaa oo aad ula kacdo dhinaca xun saamaynteeda ayuu kugu yeelanayaa, tusaale ahaan Fircoon iyo Hitlar ayaa inoogu filan sidii uu ugu yimid si ka xun iyaga oo ah ayuu hoggaamiyaha xun ka tagaa.”
“Hoggaaminta casriga ah iyaduna tusaalayaal ayey leedahay oo haddii aynu eegno Nelson Mandela (madaxweynihii Koonfur Afrika) ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha waqtigan casriga ah dunida soo maray oo innagu kama eegayno oo kaliya Islaamka, waxa aynu ka eegaynaa ilaa bani’aadanimada.”
“Waa in bulshada aad hoggaaminayso iyo kooxda kula shaqaynaysaa kula garataa hiigsiga aad leedahay oo haddaanay cidikula garanayn oo kalidii jiroo iyo kalidii aqoon aad noqoto suurtogal noqon mayso inaad hoggaamintaada ku guulaysato oo Ilaahay (SW) waxa uu inoo sheegay in Nebi Muxamed (NNKH) tusaale fiican innoogu sugnaaday,” ayuu khudbaddiisa ku soo gebagebeeyay Wasiir Khaliil.
“Hoggaamintu waa ammaanada Ilaahay bani’aadamka u dhiibay sidii loo wadi lahaa, hoggaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa waxa uu soo saaraa wax wanaagsan oo ka hadha marka uu ka tago hoggaaminta oo Nebi Muxamed (NNKH) hoggaamintiisu waxay ahayd mid dhammaystiran oo aanay cid gaadhayn, balse tusaalayaal ayaa innoogu filan iyo ku dayasho, waxana hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu haybad yeesho oo uu dedaalo oo tusaale ahaan dad ayaa leh aaraa’ iyo fikir ay soo kordhiyaan, laakiin aan dedaal ku sii wadi karin, halka dadka qaar leeyihiin fikir, hase ahaatee cid marka ay horyimaaddaan aanay ka dhaadhicin karin, waxana loo baahan yahay in hoggaamiyuhu naftiisa ka adkaado oo hoggaamiyuhu marka uu naftiisa ka adkaado ayuu naf kale hoggaamin karaa.” Sidaana waxa yidhi Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo isna sharraxaad ka bixiyey doorkii hoggaamineed ee Nebi Muxamed (NNKH).
Sheekh Dalmar waxa uu ka sheekeeyey doorka Islaamka iyo xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda ee qaaradda Afrika, “Haddii aynu tusaale u soo qaadanno Rwanda xasuuqii ka dhacay labaatan sanno ka hor oo maalaayiin qof la laayey toddobaad gudahood, ayaa barigaa 7% islaam ahaayeen, halka ay maaanta yihiin 18%, waxana keenay kor-u-kacaas nidaamka Islaamka oo laga dhadhansaday naxariis, waxana jirtay sheeko ka dhacday Rwanda oo ahayd in qoys muslim ah oo ka soo jeeday dadka wax xasuuqayey soo xareeyeen oo ay qariyeen nin ka soo jeeday dadka la xasuuqayey oo la baxsadeen markii gurigii ay ku jireen lagu soo dhowaaday, waxaannu ninkii la yaabay sida dadkan dadkoodu xasuuqayaan u badbaadiyey, isagoo weydiiyey sababta ku kelliftay, waxaanay u sharraxeen in diintooda Islaamku farayso inay dadka u naxariistaan, halkii ayaannu ninkii ku Islaamay.
Dhinaca kale, baadari awoodayey inuu dadka badbaadiyo ayaa yidhi kiinasadda ayaa lagu badbaadayaa, dadkii markii ay ka soo buuxsameena dhammaantood waa la laayey,” ayuu yidhi Sheekh Dalmar.