By. Axmed Cali Cige
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka tusayey inuu yahay dal madaxbannaan 26-kii sanno ee u dambeeyey, iyadoo uu samaystay hannaan dawladeed, dastuur iyo qawaaniin u gaar ah oo lagu hago dalka.
Hasa yeeshee, beesha caalamka iyo dalalka qaaradda Afrika, waxa ay si cudur-daar la’aan ah dhabbarka ugu jeediyeen ugu jeediyeen arrinta ku saabsan ictiraafka Somaliland, inkastoo ay Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii ku guulaysatay inay sii wado hannaan doorasho dimuqraadi ah oo awoodda dalka lagula kala wareego, waxaanna la filayaa inay doorashada Madaxtooyadu u qabsoonto mar kale 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Muddada 26-ka sanno ah ee ay Somaliland jirtay, waxa dhacday in saddexdii sanno ee u dambeeyey hoosta laga xariiqay hoos-u-dhac iyo welwel xoogan oo ku yimmi xoriyatal qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda gaarka loo leeyahay ee Somaliland. Waxaana saddexdaa sanno gudahood la xayiray 9 hay’adood oo warbaahinta madaxabannaan ah.
Taariikhdu markii ay ahayd 7 April 2014-kii, waxa albaabada loo laabay xaruntii Wargeysyada ee Haatuf Media Network oo soo saari jirtay (Haatuf, Somaliland Times iyo Al Haatuf Al-carabi), kadib markii ay wargeysyadaasi ay xukuumadda ka qoreen maqaalo ku saabsan musuqmaasuq, waxaanna bil ka dib xabsiga la dhigay guddoomiyihii wargeysyada Haatuf Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii wargeyska Haatuf Mr. Axmed Cali Cige, kuwaas oo markii maxkamadda la keenay lagu riday xukun saddex sannadood iyo afar sannadood oo xadhig ah iyo 25 Milyan oo Shillinka Somaliland oo ganaax ah midkiiba, xukunkaasi waxay maxkamaddu u adeegsatay xeerka ciqaabta guud.
Dabayaaqada bishii November ee sannadkii 2015-kii, waxa la joojiyey inuu soo baxo daabacaadii Wargeyska Hubsad, kadib markii uu hal maalin soo baxay, waxaan la xidhay guddoomiyihii Hubsad Mr. Cabdirashiid Nuux Wacays iyo tifaftirihii wargeyskaas Mr. Siciid Khadar Cabdillaahi, kuwaas oo dacwadoodu muddo jiitantay, ilaa haddana ay ka socoto maxkamadaha dalka Somaliland.
Waxa iyagana la joojiyay soo bixitaankooda Wargeysyada Codka-Shacabka iyo Xog-ogaal bishii March ee sannadkii 2016-kii, kuwaas oo gabi ahaanba la laalay in laga soo saaro dalka.
Dhammaan Warbaahintan la xidhay, ayaa wajahday Xukunno Xeerka Ciqaabta guud ah, halka maxkamadaha dalku aanay midna u adeegsan xeerka dhaqan galka ah ee saxaafadda Somaliland, Xeer Lumbar 27/2004.
Dhinaca kale, amar Xayiraad ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex 2/7/2017, ayaa hal mar lagu xayiray 5 website (Mareego Internet), kadib markii Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex codsatay xayiraadda shantaasi website oo uu sheegeen inay dalka ka baahiyaan warar been-abuur ah oo lidi ku ah Madaxda dawladda iyo qabiilada wada dega Somaliland. Waxa sidoo kale lagu sheegay xayiraadda mareegahan inay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex aqbashay dalab ka yimmi Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-Jeex oo ku taariikhaysan 3/7/2017, kuna codsaday Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-Jeex in loo tixgaliyo Baadhista Dambiyada C.I.D codsigooda, isla markaana xayiraad la saaro websaadyadaas, kuwaasoo kala ah; 1.Karinnews.com 2.Baraarugnews.com 3.Saylactoday.com 4.Haleelnews.com iyo 5.Suradnews.
Waxa dhammaan shirkadaha adeegyada internet-ka bixiya lagu amray inay fuliyaan amarkaasi Maxkamadda, sidaas ayay ilaa maanta ku xayiran yihiin shantaasi website.
Talo soo Jeedimo
• Dawladda Somaliland waa inay xayiraadda ka qaado wargeysyada iyo websityada xayiran ee sare ku xusan.
• Inay joojiso cabbudhinta iyo faaf-reebka ay ku hayso Saxaafadda Madaxbannaan iyagoo u hoggaansamaya qodobka 32aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
• In Maxakamaduhu ay tixgaliyaan wareegtadii uu guddoomiyaha Guddida caddaaladdu ku soo saaray in aan la xidhi karin suxufiyiinta ee ay dibadda iska difaaci karaan.
• In aanay Maxkamadaha iyo Xafiiska Xeer-ilaalintu laalin adeegsiga Xeerka gaarka ah ee saxaafadda.
By. Suxufi, Axmed Cali Cige