Xaaladdaha guud ee noloshu waa qaar is bedbedli og, maalintu habeenkii bay badashaa, qabowgu kullaylka ayuu badalaa. Wax kastaa way is badalayaan, qofka ganacsadaha ah waxaa la gudboon inuu ahaado qof diyaar u ah xaaladaha si bedelaya si uu ugu dabbaqo qorshihiisa ganacsi una helo macaash joogta ah.

Nasiib darro xaaladuhu mar walbaa ma wanaagsanaan donaan, waa dabeecadda ganacsigga, in wax kastaa ahadaan qaar hoos u dhac iyo kor u kac ku wareega, lakiin si aan xaaladaha adagi kaaga saarin suuqa, khaasare baaxadle-na aannu soo gaadhsiin ganacsigagga waxaa kula gudboon inaad 5 tan farasamo kaga gudubto xaaladaha adag ee ku keenaya ganacsiggaaga, dhabarjabka, wareerka iyo dhaqaale xumadda.

 

1.   Ujeeddo cad ka lahow ganacsiggaaga

Sababo badan ayuu qofku u bilaaba ganacsigga;  macaash raadin,  magac raadin, maamul raadin iyo madaddaaloba. Waa muhiiim in sababta aad u bilawday ganacsigu ahaato mid cad oo madmadow ka gelaynin, waa in ujeeddadaadu ku galisa iddidiilo, xamasad iyo dhiira-galin markaa aad xasuusatoba.

Waxaa la isku waafaqay in ganacsigga leh ujeedo cad iyo sabab wayn oo uu qofku u bilaabay, ay tahay hubka la dagaalanka xaaladaha qalafsan ee ku keenaya ganacsiga dhabar jabka.

Ujeedooyinka ugu waawayn ee qofka ganacsadaha ahi uu baahan yahay inuu maanka iyo miyirka ku hayo waa sababtu u bilaabay ganacsigga, bulashadda uu adeego, shaqaalihiisa iyo is-badalka togan ee uu rajaynayo inuu ka dhex abuuro wadanka iyo bulshadda ka faaidaysanaysa ganacsiggiisa.

Haddi uu ganacsaduhu ku qorro meel ujeedooyinka uu u abuurayo ganacsiga, tani waxaa ay ka caawin doonta inuu xasuusto sababihii uu u sameeyay ganacasiga, ee ahaa hiyi-kaca, xaamasadda, hammiga, iyo hal-abuurnimaddi gubaysay waayihii  uu ganacsigiisu meelaha wanaagsan marayey.

Taa mid la midda waxaa la gudboon ganacsadaha inuu leeyahay ujeedo ka fog dan gaara, taaso ah dan guud oo ka wada dhaxaysa shaqalaha, macaamisha iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka ee horseedi karaya horumar, koru-kac dhaqaale, isbadal iyo shaqo-abuur balaadhan.

Marka aad leedahay ujeedooyin waawayn waxaa ay ka caawinaysaa inaad lahaato xamaasad joogta ah iyo iddidiilo kugu riixda inaad ka talaabsato caqab kastoo kusoo wajahaysa.

2.   Si joogta ah uga war hay macaamiishaadda.

Soomaalidu waxaa ay caan ku tahay inaanay taxgalin badan siinin macaamisha ku xidhan laakin ay u hanqal tagaan, intaana ugu heelan yihiin soo xero galinta macaamil cusub, sidoo kalee waxaa aan waxbadan arkay meheraddo aan wax macaluumaad shaqsi ah ka reebin macaamisha wax ka iibsanaya sida telefoon nambar ama meel lagala soo xidhiidho ama lagula socdo raali ahaanshahooda ku aadan adeegi ama alaabti laga iibiyay.

Xilliyadda adagi sidaa safmarkan fayraska ah, waxaa ay saamayn ba’an ku yeeshan bulshadda, dad ba shaqo ku waaya, qaarna dad ay jecelyihiin ayay ku waayaan, inaad tusto danayn iyo dareen ku aadan xaladahooda waa muhiiim, waxaa ay xoojin doonta daacidnimadodda iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin alaabta ama adeega aad ka iibiso.

Xilliyaddan iyo xilli kastaa oo uu macmiil kusoo maro shirkaddada waa inaad kala hadhaa macluumad iyo xog ku saabsan macamiilka si aad uga iibiso adeegyada iyo aalabaha mustaqbalka, la saaxiib, la hadal, warayso oo u tahniyadee mar walboo munaasiba macmiilkaaga, odhaah ingiriisi ah ba tidhaahda “macmiilku waa madaxa shirkad kasta, isaaga ugu sareeya”

Ka fikir, macmiil la’aan meheradna ma jiri lahayd? macmiil la’aan macaash ma jiri lahaa?  macamiil la’aan lama noqdeen maal-qabeen. Ku xidhnow macmiilkaaga xilliyadda adag u dir fariimo aad ku dareensiinayso in aad la qabtoo walbahaarka iyo warwarka u sheeg inaad la garab tagaan tahay caawimo iyo gacan siin joogta ah.

Macmiilku waa laf-dhabarka shirkad kastaa waxayna mudan yihiin tixgalin ka balaadhan tan shaqaalaha iyo shuraakadda shirkaddaba.

3.   Naftaadda ha ilaawin

Waa wax iska dhaca in xilliyadda addagi ay  u horseedan mulkiilaha iyo shaqaalaha meherad kastaa inay shaqaddu ku badato, ku mashquulan siddii ay u badbaadin lahayeen macaashka iyo dhaqaalaha shirkadda lakiin runta ayaa ah in shaqadda faraha badani keento walbahaar iyo jahwareer aan dhicis iyo dhalanteed mooye, aan dhalin wax dheef iyo dhaqaale toona ah.

Ha ilaawin naftaadu inay u bahaantahay nasasho, naagadin iyo inay hesho hurda ku filan, cunto dheeli terin, jimicsi iyo sidoo kale inaad waqti la qaadato, qoyskaaga, asxaabtada iyo bulshadda kale sii ay niyaddu kugu degto, fikiraddo cusubna aad u hesho.

Cilmi-baadhis laga sameeyay maraykanka 4 abriil 2018 ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka leh hab-nololeed caafimaad ku dhisan ay ka firfircoon yihiin dadka leh hab-nololeed culays iyo walbahaar leh, cilmi-baadhistani waxaa ay sheegtay in dadka leh hab-nololeedka ficani ama caafimaadka leh inay ka fog-yihiin cuduradda iyo xanuunadda soo noqnoqda sidoo kale waxaa ay sheegtay in dadka hab-nololeedka caafimaadka leh ku nooli ay yihiin qaar cimrigooda  caafimaad ku raaxaysta.

Qof kastaa oo inagga mida wuu garanaya sidda ay muhiimka u tahay inuu badbaadiyo meheradiisa  iyo in uu  xalliyo dhibaato kastaa oo markaa so foodsarta, lakin waxaa intaaba kasii muhiimsan ilaalinta badqabkaga maskaxeed iyo jidheedba si aad u hesho jidh iyo miyir caafimad qaba inuu dhabar-adayga xilli kastoo adag oo soo wajahaya ganacsigaaga.

4.    Si fiican lacagta u maarre, kharashkaadka baxanaya yarray.

Kharashaadka iyo lacagaha baxayaa xilliyadan oo kale waa qaar aad xasaasi u ah, waa lagama maarmaan inad si qoto dheer ula socoto lacagaha ka dhex socda ganacsiggaaga, lacagaha ku baxaya soo iibinta, lacagaha ku baxaya iibinta, lacagaha ku baxaya mushaharadda iwm.

Lacagtu waa laf-dhabarta uu ganacsi kastaa suuqa ugi sii jiro, waa tamarta ganacsiggu ku socdo, haddii aanad si dhaw oo dhayalsi ka fog ula socoto lacagaha ka baxaya ganacsiggaaga waxaad awood u yeelanaysaa inaad, ogaato meelaha ay ku haboontahay in la maal galiyo iyo meelaha ay ku haboontahay in gabi ahaanba laga maarmo in dhaqaalle la galiyo.

Xilliyadda addag waxaa ganacsadde kula gudboon inaad yarayso kharashka faaidada yar samaynay, marka la maal galiyo, sidoo kale eeg wax qalab, shaqaale iyo wax-qabad ee aan samaynaynin wax faaido ah marka la maal galiyo, kana fikir sidii  aad uga maarmi lahayd inaad waxyaabaha la’aantoda shaqayn karayso, shaqaalaha ma yarayn karaysaa?, teknolojiyadda ma ku shaqayn karaysaa? Sidoo kale waa muhiim; lacag ma kaydin karaysaa, si aad ugaga baxdo xilliyadda faaidadu yartahay?

Su’aalaha an kor kuso xusnay waa qaar muhiim ah una baahan is waydiin badan, si aad u hesho xal ku haboon ka takhalusidda iyo ka adkaanta xilliyada aafada iyo aabarta ee ganacsi kastaa dhaxalka u hello inu marro.

 

5.   Muhiimadda sii caafimaadka  iyo bad-qabka shaqaalaha

Ma odhanayo meheraddada albaabada u laab, kuma lihi fasax oo ilaa intay wax kastaa hagaagayaan dib ha u furin meheraddaada, lakiin waxaa muhiim ah inaad la socoto xaladda guud ee bad-qabka shaqaalaha, haddii xumad, qufac ama taag darri lasoo daristo mid ka mida shaqaalahaga si fasax iyo nasasho badan, caawi, la xidhiidh oo sii danayn iyo dareemid ku aadan xaaladiisa si aad u kasbato una muujiso inaad tahay qof dan ka leh bad-qabkisa oo anad ahayn qof dhiig miranyay tamartii ku jirtay xilligii uu ahaa awoodlaha wax kasta qaban karayay.

Waxaa xoojin iyo xayndaab u baahan bad-qabka caafimaad ee ganacsiggaaga, kala fogaanshaha, af-daboolka, gacme-gashiga iyo dhamaan wax kastoo yaraynaya fiditaanka xanuunadu waa muhiim inaad mal-galin ku samaysaa, haddii aanad badbaadin shaqaalahaga iyo naftaada, ganacsi kusii jiraya ma jiro, haddii uu ganacsiggaagu awoodayo inuu ku shaqeeyo qaab online ah, ku dhiiri galin, kuna tababar shaqaalahaaga inay kasoo shaqeeyaan guryahooda.

Qoddobadan 5 ah ma noqon karaan xal dhamaystiran, laakin waa bar billaw laga dhaqaaqi karo marka ay xaaladu adagtahay, macaamishaadda ka ag dhawow, bad- qabka miyir iyo muuq ee jidhkaaga u nuglow ka war hayntooda, lacagahaaga oodda u xooji oo ka fogow dayac dhaqaale, igu danbayn caafimaadku waa muhiime ku dadaal bad-qabka deegaanka ganacsigaaga.

W/Q Cabdirisaaq Maxamed Cali

Cabdirisaaq waa ganacsadde da yar, waxna ka qora arrimaha ganacsiga, wuxuu aas-aasay tiro dhawr shirkadood, wuxuu xiisa iyo jacayl u hayaa, arrimaha ganacsigga iyo ganacsi-abuurka

Email: Abdirazakmoh24@gmail.com