khaalid

Yaa dammaanad qaadaya in abaaraha wax laga qabanayo haddii doorashada dib loo dhigo
Iyadoo aynu ka warqabno xaaladda abaartu inay marayso meeshii ugu darnayd, isla markaana ay dhimashadii xooluhu ay u soo gudubtay bani’adamkii, sidaas oo ay tahayna xukuumadda talada dalka haysa iyo bulshada reer Somalilandna wixii ay ka tari karayeen ka tareen ilaa haddana ay wadaan, balse ilaa hadda aan la gaadhsiin gurmad dadka abaartu saamaysay qiyaas ahaan 70% dadkii ay abaar la ildaran yihiin.
Waxaynu ognahay xaaladaha noocan oo kale ee masiibada ah in wax laga qabta ay u baahan tahay wax badan oo ay ka kow ka tahay, kharashka ama maaliyadda loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay, iyadoo loogu qabanayo howlo kala duwan, sida; in ceelal lo qodo, raashin la siiyo, in dib-u-dejin lagu sameeyo, loona raro dhulka uu roobku ku dambeyay ee aanay abaartu aad u samayn.
Abaar iyo barwaaqo midna kuma bad-qabno
Waxaynu nahay bulsho nolosheedaba abaar iyo barwaaqo ay kala goosatay, bulsho tabar daran, had iyo jeerna ku foogan waxaan danteeda ahayn, bulsho hadba waxa soo maraaan ku waayo-qaadan, bulsho ilowsho badan, waxaynu nahay bulsho ciddii doontaaba ay ka fushan karto waxay doonto, bulsho qabiili iyo weliba bulsho aan aqoon lahayn xitaa kuwooda wax bartay reernimadaa ka adag.
Muddo-kordhin doorashada dib loo dhigo garanaye waana arrin sax ah in dadka abaartu samaysay loo gurmado, waana arrin dastuuri ah, isla markana waajib ina wada saaran, balse Soomaalida ayaa tidhaahda; ‘Ninka aan garan wax soo socda waxa jooga ma garto.’ Soorashada dib ha loo dhigo sannad ama wax ka yarba ha loo dhigo, mana xuma, haddaba, arrintii dib loogu dhigay ee ahayd abaarta yaa dammaanad qaadaya oo howsha abaarta gelaya oo dadka u gurmaanaya? Mise waxa weeyaan muddo-kordhin iyo kal iyo caadeed oo muddo korodha moyaane aanay jirin qorshe kaloo uga meel yaala oo ummadda loogu gurmanayo.
Ma xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa dammaanadda qaadaya
Xukuumadda dedaalkeedii ma yara, balse awoodeeda ayaa yar waxanay ilaa hadda samaysay guridiyo abaareed oo heer qaran ah iyo kuwa heer gobolka oo hormood ka ah gurmadka abaaraha balse waxa Iyana jirta qorshe la aan iyo aqoon laani ay ku jirto, oo aad odhan karto sidi wixi la helay haba yaradaane sideedi looma isticmaalin ama bulshada may gaadhin.
Iyadoo ay sidaa tahay xukuumaddu ma daammanad qaadaysaa haddii ay muddo-kordhin timaado iyadoo sababta u wayn ee lo kordhinayaa ay tahay abaaraha ba’an ee dalka jira wax laga qabto, isla markaana ay dastuuri tahay in marka ay howlaha noocan oo kale ay jiraan in aan doorasho iyo wax kale la qaban karin, xukuumadda ma dammaanad qaadaysaa inay 100% uu gurman doonto dadka abaartu saamaysay ha u darnaadaan deegaamada bariguye.
Xuukumadda Somaliland maxaa uga qorshaysan Beesha caalamka? Xukuumaddu xiidhiidh ma la samaysay ama warbixino sax ah ma u dirtay oo ay kaga waramayso halka ay xaaladdu marayso iyo habka ugu haboon ee loogu gali karo, haddii ay noqoto kharashaadka ku baxaya iyo cidda ka shaqaysanaysaba, mise waxa iyana iska noqonaysa uun in sidii horeba u dhacday aayar inta la soo maro, waxyarna la siiyo la yidhaahdo abaaraha ayaanu u kuurgalaynay, kuurgalka macluumada iyo warbixin baa ka so baxee meeday? Ku darsoo waxa iyana arrinta uu baahan in aad loo eego, sida ay u shaqeeyaan guddida abaaraha oo dhalishoodu aad u badan tahay gurmad loogu dhiibay abaarahana aanay si waanagsan u maamulin, haba u darnaato ganacsatada iyo bulshada reer Somaliland ay ugu deeqeen lacag aad u badan oo ku dhawaanaysa laba milyan oo dollar, iyo boqolaal kun oo doollar oo ay qurbo-joogta reer Somaliland soo direen,xukuumaduna sida ay inoo sheegeen inay ku wareejiyeen guddiga abaaraha oo aan ilaa hadda cidna loo sheegin halka ay martay, sida lo qorsheeyay, cidda la siiyay.
Haddii si fiican loo maamuli lahaa dalka wax badan loogu qaban lahaa, haddii ay noqoto ceelal biyoodyo aad u tiro badan iyo biyo xidheeno waawayn loo sameeyo, raashino la siiyo dadka iyo dib-u-dejin dadka lagu sameeyo, intaaso dhan lagu samayn kari lahaa maanta ma ay joogteen halka ay marayso xaalada abaartu.
Xisbiyada mucaaridka ee muddo-kordhinta daba ka riixaya ayaa dammaanad qaadaya
Xisbiyada mucaaradka ah xaalada abaaraha wax way ka qabteen inkasto ay tamartoodu iska yar tahay hadana waxa la odhan kara waxay qabteen, haday noqoto raashin ay ugu geeyeen dadka, biyo ay u qaybiyeen qaybo ka mida goobaha ay abaartu ka dhacday, inkasto nimaad xumo badan ku jirtay oo ay inta gawaadhi badan la isla daba galo aad garan karto kharashka baxaya ee dadka ku baxaya shidaalka ku baxaya qaadka ku baxaya.
Haddaba, Xisbiyada mucaaradku ma iyagaa dammaanad qaadaya haddii muddo-kordhinta dooarashada ee dabada ay ka riixayaan ee ina leeyihin ummadda ayaan u naxaynaa oo doorasho lama gali karo wax ma u qabanayan dadka abaartu saamaysay oo ummadda ma u gurmayaan? Mise inta marka ay safar Kenya ah tagaan iyagoo sifaha ay ku tageen aanu sharciba ahayn, isla markaana aanay hay’adihii shaqada ku lahaa aanay la socon inta hudheel 5 star ah iska degaan oo ay iska soo raaxaystaan, sawiro qurxoona iska so qaadaan ayay ina odhani abaarihi ayaan wax uu doonay iyo xoolihii ayaanu furaynaa, mise sidoodi ayay masaakinta macaluushu ka muuqato sawiro la soo gali aan anshaxa iyo bani’adamnimada ku jirin iyo sawirro tiro badan oo lala galayo dadka oo aan wax macno ah ku fadhiyin loonasa baahnayn oo ka haboonayd inay nidaam wanaagsan dadka waxa ku gaadhsiyaan haba yaraato waxa ay bixinayaane waa haddii ay doonaayan inay dalka hoggaamiyaane.
Aarmay roon tahay inaynu Ilaahay u noqono, dunuubaha badan iska dayno, dulmiga iyo caddaalad-darada ka dheeraano, Allaah-na baryadiisa badino, ribada iyo caadaysiga xaaraan cunista iska dayno, isla markaana Alle dambi-dhaaf weydiisano, iyo inuu raxmadiisa inoo shubo, ilayn raxmadda Alle mooyee tu kale ina qaboojin maysee, isla markaana aynu iska dhex wado gurmadka abaaraha iyo doorashada sharcigeenana ilaashano.
Dabmi dhaafe, duco naga aqbal
Daacad aan dulmi aqoon iyo daalinbaa ogsoone
Raxmadii dushoo no da’daan sugaynaaye daa’in nagu caawi,
Dallag ciidda la beeriyo iyo dagal barwaaqa leh
Diri meela damal la hadhsado iyo dixi ka soo saare
Diif iyo haraadbaan qabnaa dad iyo duunyabe’
Daruuraha cirkiyo roob degdega daa’in nagu caawi.
Abwaan Halbeeg
ALLA HA SAHLO
W/Q: Khaalid A. Hirsi
Hargeysa, Somaliland
Hasskhaled2@gmail.com