xuubsiibte
Haddaanu nahay Dhalinyaradii codkooda iyo taageeradoodaba siisay madaxweyne ahmed mohamed mohamud siilaanyo wakhtigii doorashada uu ku guuleystey madaxweynanimo ee dalka 2010kii oo aanu lasoo garab taagneyn taageero dhinac kasta ah xiligaas oonu uga nimi daafaha dunida si aanu u taageerno isbedel noo horseeda wanaag badan siduu madaxweynuhu markaas dhalinyarada iyo bulshadaba ugu ballanqaadeyrajjona ka qabna laba arrimood iney noo hirgalaan dhalinyaro ahaan oo ah inaanu ka maarano qurbaha kana soo diga rogono, tahriibkuna joogsodo dadka wax garadka ah iyo aqoonyahanada dalka ee dibada ku maqanina dalka kusoo noqdaan oo bulshadooda wax u qabtaan marka la arko horumarka socda laakiin waxaa ballanqaadkaas madaxweynaha badashey masiibo qaran oo aan laga filaneyn marnaba madaxweynaha shacabkana ku noqotey wax ay aad ula yaabeen oon la qaadan karin, markaan usoo daadago gulucda mowduuceygan waxaanu go’aansanay markaanu aragnay, dhinac kastana ka eegnay waxyaabaha dalka ka socda oon loo adkeysan karin talooyin badan iyo tusaaleynna siiney xukuumada annaga dhalinyaro ahaan iyo dadka wax garadka ahba oo xukuumadu dhagba u dhigi weyday baaqyadaas, waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu kala noqono taageeradii si rasmi ahna ugu biirno xisbiga WADDANI cod dheer iyo cod gaabanba bulshada reer somaliland iyo caalamkaba ugu sheegno xukuumadu sidey u khiyaameysay bulshada reer somaliland una iftiimino caalamka tacadiyada xukuumadu ku hayso dastuurkii qarankan iyo nabaddii halganka dheer loo soo galey, iyadoo xukuumaddu istaahisha xil ka xayuubin waxaan usoo jeedinayaa sharci dejinta dalka oo ah guurtida iyo barlamanka iney u naxaan dalka iyo bulshada oo sharcigii lagu aaminey oo ilaahay iyo shacabkuba kala xisaabtami doonaan sidey tahay u hirgaliyaan oo madaxweynahu falalka uu gacanta kula jiro awgeed dib u eegis ku sameeyaan xilkaas uu u hayo qarankan oo sida dastuurku ina farayo talaabo ka qaadaan cidii dastuurka ku xad gudubta si gaarana waxaan farriin u dirayaa guurtida iyo barlamanka oo ku caan ah daacadnimo iyo inay markasta badbaadiyaan Somaliland.

laakiin masiibadan ugu danbeysey aad moodo inay kala qeybisay waxaan idin leeyay marka hore midnimadiina ilaaliya oo xil qaran ayaad heysaan ee ka fogaada qabyaalada, shacabka iyo qarankan qiimaha badanna badbaadiya oo siduu ilaahay idinku ogyahay xilkiina u gutta anaguna dhalinyaro ahaan qof kasta oo somaliland sumcad, wanaag iyo waxaanu uga ayno nooga tagta waxaanu ku hayn doonaa qalbiga waxaana loo xusi doonaa sida caalamku u xuso halyayadooda, waxaan digniin u dirayaa ninkasta oo madaxwenaha iyo xulafadiiisu ku jirto oo is leh somaliland wax yeelleeya waxaan idin sheegayaa inaanay u suurto gali doonin nin kasta oo isku daya inuu somaliland wax yeeleeyo waayo waa rajada kaliya ee aanu leenay dhinac kastana waanu ka taaganay somaliland, guntii iyo gabagabadiina waxaan madaxda qaranka leeyay adduunka raggu sumcad iyo magac ayuu raadiyaa oo u dhintaa ee qabyaaladi yaanay jar dheer idinka tuurin hana noqonina sidii ninkii waligii cibaadeysanay ee aakhiru licibkii fusuqa galay ee isagoo faraha kula jira malakul mowtkii ugu dul yimi ee sidaa ahlu jaxiim ku noqdey,!

Wabilaahi tawfiiiq

Yaasin abdirahman kahn (xuubsiibte)
Shaks600@yahoo.com
Hargeysa, Somaliland.